"Xisbiga Waddani Wuu Ka Badbaadey Tacshiiradii Hore, Laakiin …."

0
Wednesday October 13, 2021 - 09:21:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbiga Waddani Wuu Ka Badbaadey Tacshiiradii Hore, Laakiin …."

    "Caqligu Ha Shaqeeyo Waddaniyow Oo Shirkiina La Suga Inta Uu Kulmiye Kiisu Dhacayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Caqligu Ha Shaqeeyo Waddaniyow Oo Shirkiina La Suga Inta Uu Kulmiye Kiisu Dhacayo"

"Xisbiyadu inay shirarkooda xisbinimo qabsadaan waa arrin wanaagsan, haseyeeshee waqtiga shirka la qabanayaa waa inuu ahaadaa mid taxadirkiisa wata. Madaxweyne Muuse Biixi waa caaqil iyo sultaan qabyaalada iyo dadka kala qaybintiisa jagada uu maanta fadhiyo ku soo gaadhay, oo kusoo caano-maalay. Waqigan xaadirka waxuu ku fooganaa sidii uu jidka ugu sii fadhiisan lahaa dadyowga kasoo cadhooda kadib markuu dhaco shirka xisbiga Waddani, oo markaas dadyowgaas cadhadooda looga faa’iideysan lahaa si qabyaaladeysan iyadoo la isticmaalayo awoodii iyo dhaqaalihii ay xukumada Kulmiye madaxa ku duubatay. Anigu waxaan ku talin lahaa inuu xisbigu dib u wada dhigto shirkiisa oo ka dhigo waqtiga ay reer kulmiye shirkoodana soo qabsadaan soona kala faraxashaan iyagoo maryo dhiigle soo kala furtay. Xisbiga Kulmiye ee cunsuriyada qabayleysan isku gaashaan buureystey way isu khuurinayaan oo waa la kala fogaadey, imminkana ula booca ayaa la isugu tukubayaa. Reer Kulmiye ayaa xukuumadii ah, iyagaa dhaqaalihii iyo dawladnimadiiba ku tuntay oo baabi’yey, oo waa taas digreetooyinkii Madaxweynaha ka soo baxay loo dhiibayo dhoweeyayaasha iyo taxi-yada. Kuwa looga baahan yahay inay shacabka reer Somaliland soo hordhigaan ajendayaasha ay ku rabaan in mar labaad la soo doorto waa iyaga, kuwa madaxa iskula jiraa ee madax iyo minjaha kala lahaynini waa iyaga, markaas Waddani xukuumadana muu ahayn waxaanu u baahan yahay inuu waxii mucaarid ah oo dhan uu kasbado, oo markaas aanu ciyaarta ka hor dhicin.

 

Waddaniyow intii adiga jidka la isu taagi lahaa dadka kaasoo cadhooda shirkaaga kadib, maxaa Waddani u sugi kari la’yahay dildilaacan Kulmiye ka dhex bilaabmay oo shirka xisbiga kulmiye kadib aad idiinku jidka isugu taagi la’dihiin dadka Kulmiye kasoo cadhooda ee isbedel doonka ah. Caqligu ha shaqeeyo Waddaniyow oo shirkiina la suga inta uu Kulmiye kiisu dhacayo kadib. Deg dega siyaasadeed ma fiicna, weliba markay meeshu tahay Afrika oo qabiilkiina shaqaynayo, hantidii ummadana marba xukuumada joogtaa ay ku danaysanayso. Weji khamaarkii poker-ka( poker face) ha la idiin ka arko, oo yaan la idiin sii akhriyin. Nimanka mansabka ka raba xisbiga Waddanina ha garwaaqsadeen in xilalka iyo jagooyinka ay rabaan wax ka weyn, oo ah sidii Xaaji Muuse Biixi la isaga hor qaadi lahaa ay wax walba ka weynta, waayo mansabka ama xilka maanta laga dhex raadinayo xisbiga Waddani haddii uu dhib iyo kala qaybsanaan u faa’iideyneysa soo noqoshada mar labaad ee Muuse Biixi ay keeneyso, maxuu mansab laguu magaacabay oo jab iyo hoog keenayaa idiin tari karaa. Shirka xisbiga Waddani ha ka danbeeyo shirka xisbiga Kulmiye, haddii kale waxa dhici doonta xikmadii ahayd " hadba keena hor eega haadkaas iyo haadku cuni doonaa”. Hadhow bay odhan layma heesin, lay lama hadlin, doob hurday helay.




Waxa qoray, Siyaasi Cali-khadar Cismaan Xasan (Cali Kubad)


Loading...
Loading...