HARIMACADKA. W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

0
Wednesday October 13, 2021 - 08:45:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HARIMACADKA. W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

    Mayeedhaan magazine.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mayeedhaan magazine.

Waa mid kamid ah boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia). Sidoo kale waxa uu kamid yahay duurjoogta hilib cunka ah (Carnivora). Harimacadku wuxuu ku jiraa qoyska bisadaha waa weyn (Felidae) ama se Micilleyda ah (Canids). Afka cilmiga Sayniska waxaa loogu yeedhaa: (Acinonyx jubatus) taas oo sababta loogu bixiyayna ay tahay in uu yahay xayawaan aan soo laabin qaybta horre ee farihiisa, taas oo ah abuur Alle. Asal ahaan waxa uu kasoo jeeddaa qaaradda Afrika iyo bariga dhexe, gaar ahaan dalka iiraan. Luuqadda ingiriisida waxaa loo yiqaannaa: (Cheetah), Carabidana (فهد). Afka Soomaaligana Harimacad.



Cimrigiisu waxa uu gaadhaa 10 illaa 12 sanno. Dhererkiisuna 1.1 illaa 1.2 sentimitir. Culayskooduna 21 illaa 70 kiiloo, sidoo kale waxa uu leeyahay 38 hiddo-side iyo 30 ilkood. Badanaa waxa uu wax ugaadhsadaa maalintii (Diurnal). wuxuuna leeyahay madax aad u yar, kaas oo wejigana ku leh laba diillimood oo madmadaw, kuwaas oo ka yareeya dhal dhalaalka badan ee qorraxda. Harimacadku waxa uu badanaa dhalaa laba ilaa saddex ilmood, waxayna ku qaangaadhaan 18 ilaa 24 bilood, sidoo kale wuxuu wax ka arki karaa bed ku dhaw 5 kiiloomitir. Waxa uu leeyahay dib aad u dheer kaas oo ka caawiya isu dheelitirka miisaanka jidhkiisa marka uu wax ugaadhsanaayo. Harimacadku waxaa ku nool yahay dhulalka saxarraha ah ama se dhulka leh caws aadka u dhaadheer. Sidka harimacadku waa 93 maalmood. Waana mid kamid ah xayawaannada leh dhiigga diirran iyo kuwa leh halka calool (Monogastric).


Harimacadku waxa uu ugaadhsadaa xayaawannada ay ka midka yihiin: Shimbiraha, Bakayllaha, Deerada iyo Doofaarka. marmarka qaarkoodna waxa uu ugaadhsadaa xayawaannada waaweyn sida: Dameer- Farawga. waxa uu kamid yahay xayawaannada biyaha dharqada ama se carrabka ku cabba. Saacadii waxa uu jari karaa 100 ilaa iyo 120 kiiloomitir, in uu xawaaraha intaa leeg ku cararaana waxay ku qaadataa diyaar garawgeedu saddex ilbidhiqsi oo kali ah. Daraasado la sameeyay waxaa lagu ogaaday in harimacadka adduunka ku nooli uu aad hoos ugu dhacay ama u leeday wixii ka danbeeyay sannadkii 1900-kii, waxaa la qiyaasay in harimacadka caalamka ku nooli uu wakhtigaas ahaa ilaa 100,000 kun oo midh balse uu kadib aad uleeday, sida lagu ogaaday cilmi baadhis la sameeyay sannadkii 2010-kii taasoo la xaqiijiyay in tirada adduunka ku nooli iminka tahay 7,100 kun oo kali ah, kuwaas oo intooda badan laga helo dalalka saxarraha ka hooseeya ee Afrika.


Hoos udhaca ku yimi harimacadka waxaa loo sababeeyaa dhaw arrimood kuwaas oo ay ka mid yihiin: Ugaadhsiga lagu hayo harimacadka, duur joogtii uu ugaadhsan jiray oo yaraatay iyo koradhka bulshooyinka caalamka kuwaas oo kusii durkaaya deegaanadii uu ku noolaa harimacadku. inta la rikoodh gareeyay kama mid aha dugaaga dad cunka ah (Man eaters) iyo kuwa quuta bakhtiga (non-scavengers). Waxaa jira xanuunno ku dhaca harimacadka kuwaas oo uu ka mid yihiin xanuunka degdeg ah oo ku haleela kelyaha (Chronic kidney disease) kaas oo ku badana ku dhaca harimacadka ku jira seerayaasha (Captive cheetah). weli si fiican looma garanaayo waxa sababa xanuunkan, sidoo kale xanuunkanni waxa uu ku dhacaa bisadaha ugu danbayntii xanuunkani waxa uu sababaa dhimasho. Maalintii waxa uu seexdaa kudhawaad 12 saacadood.


Ugu danbayntii waxaa jira ururo caalami ah oo u dooda ilaalinta harimacadka iyo ka hortagga ugaadhsigiisa, si aanu dunida uga dabar go’in. Ururka ugu weyn caalamka ee udooda ilaalinta harimacadka waxaa lagu magacaabaa: sanduuqa ilaalinta harimacadka (Cheetah Conservation Fund). waxa uu fadhigiisu kuyaala dalka Namiibiya, dalkaas oo dhaca galbeedka qaaradda afrika, waana dalka ay ku nool yihiin harimacadka ugu badan dunida. sidoo kale waxaa jirta maalin caalami ah oo loo asteeyay maalinta harimacadka ee aduunka. maalintaas oo ku beegan afarta bisha 12naad ee sannad kasta. waxaa la Asaasay maalintan sannadkii 2010-kii taas oo uu asaasay nin la odhan jiray: (Dr. laurie Marker) waa maalin aad loo weyneeyo taas oo laga xuso dalal badan oo caalamka ka mid ah, kuwaas oo ay soomaalilaana ka mid tahay.

 

Mayeedhaan magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...