Madaxweynaha Tunisia ayaa digreeto ku magacaabay xukuumad cusub
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo madaxa xukuumadda iyo xubnihiisa,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka madaxtooyada, wax yar ka hor inta uusan telefishinka dowladda baahin xafladda dhaarinta.
Saied wuxuu ceydhiyey Ra’iisul wasaarihii, wuxuu laalay baarlamaankii wuxuuna iskiis isu siiyay awooda garsoorka 25-kii Luulyo, tasoo dadka ka soo horjeeda ay ku tilmaameen afgembi.
Dowladda cusub waxaa madax ka ah Najla Bouden, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee ra’iisul wasaare ka noqota dal kamida dalaka Waqooyiga Afrika, in kasta oo Saied uu si weyn u dhimay awoodihii xafiiskeeda oo farsamo ahaan uu isagu madax u noqon doono maamulka.
Madaxweynaha ayaa 29-kii Sebtembar u magacaabay Bouden, oo ku takhasusay cilmiga juqraafiga, in ka badan laba bilood ka dib markii uu ceydhiyey maamulkii Hichem Mechichi isla markaana uu xasaanaddii ka qaaday xildhibaannadii.
Bouden, oo 63 jir ah, ayaa hadal ay Isniintii jeediysay ku sheegtay in "la-dagaallanka musuqmaasuqa uu noqon doono ujeeddada ugu muhiimsan” ee xukuumadda cusub, oo ay ku jiraan 25 wasiir marka iyada laga reebo.
Golaha cusub ee wasiirada ayaa lagu dhawaaqay maalin kadib markii ugu yaraan 6,000 oo qof ay ku banaanbaxeen bartamaha Tunis iyagoo ka soo horjeeda awood sheegashada Saied.