Madaxweynaha Kenya Oo Ku Gacanseydhay Go'aankii Maxkamadda ICJ
Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.
Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go'aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.
Waxa uu markale ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka.
Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah.
Xukunkii Maxkamadda ICJ
Maxkamadda ugu sareysa ee Qaramada Midoobeey
ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala
dhexeeya Kenya.
Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda
ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali
doonin xukunka maxkamadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo
la hadashay weriyaha BBC Ferdinand Omondi, waxay sheegtay in ay ku adkeysaneyso
go'aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqoonsaneynin xukunka Maxkamadda
Cadaaladda Adduunka.
Aagga ama nawaaxiga la isku haysto wuxuu gaarayaa 100,000km oo isku-wareeg ah, oo seddax xagal ah, kuna yaalla Badweynta Hindiya, waana aag loo maleynayo in shidaal iyo gaas badan ay ku jiraan.
Khilaafka xuduudda badda wuxuu ahaa
mid muddo soo jiitamayay oo labada dal ka dhex dhaliyay muran dhanka diblumaasiyadda
ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,
Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku faraxsan
yahay xukunka, uuna Soomaalida oo dhan ugu hambalyeynayo soo celinta dhulka.
Illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay,
Kenya waxay ku doodeysay in leenka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga,
halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay.
Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka
sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka
xadka dhulka ee labada dal.
Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 ee u
fadhiistay go'aan ka garidda khilafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan
caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso.
Maxkamadda ICJ ayaa la timid leen
cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu
badan ay aaday dhanka Soomaaliya.
Madaweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" ayaa sheegay in go'aanka kasoo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah.
Balse inkastoo Kenya ay horey u diiday
in ay aqbaleyso go'aanka maxakamadda, haddana ma cadda waxa ay sameyn doonto.
ICJ awood uma lahan meelmarinta xukunkeeda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dooday in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbannaanideeda, iyadoo howlgallo ka sameysay biyaheeda, waxayna dalbatay magdhow.
Balse garsooreyaasha maxkamadda ayaa dooddaas Soomaaliya diiday.
Sannadkii 2009, labada dal waxay isla
gaareen is-afgarad ay taageereysay Qaramada Midoobeey, si xal looga gaaro
khilaafka xuduudda iyadoo loo marayo wadahadal, taas oo baarlamaanka Soomaaliya
uu diiday.
Balse, shan sano ka dib xilligaas,
Soomaaliya waxay sheegtay in wadahadalladii ay fashilmeen, waxayna dacwad u
gudbisay ICJ.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee
Reuters, Soomaaliya waxay ka carootay in Kenya ay iibisay shatiyo ku saabsan
aaggii lagu muransanaa, sannadkii 2012.
Isagoo hadlayay ka hor go'aanka maxkamadda, Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, wuxuu BBC u sheegay: "Waan aaminsannahay in xukunka uu yahay hannaan... Waa sababta aan u nimid maxkamadda".
Maxakamaddan ICJ waxaa loogu talagalay in ay xalka ugu dambeeya ka gaaro khilaafaadka u dhexeeya dalalka.
Haddii Kenya ay diiday xukunka, waxaa arrinta loo gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey, sida ay sheegtay Wareiyaha BBC ee Hague, Anna Holligan.
BBC