War Degdeg Ah: Maxkamadda ICJ Oo Go'aan Ka Soo Saartay Dhul Badeedkii Ay Isku Hayeen Kenya Iyo Somaliya

0
Tuesday October 12, 2021 - 17:48:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Maxkamadda ICJ Oo Go'aan Ka Soo Saartay Dhul Badeedkii Ay Isku Hayeen Kenya Iyo Somaliya

    "Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal"

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa go'aan ka gaadhay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee ku doodaysay inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

 

Doodda labada dal ayaa aheyd, ayada oo Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

 

Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal. Sida ka muuqata xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday waxaana loo xukumay Soomaaliya. Hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

 

Dhul badeedkii la isku hayey ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah.

 

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka Maxkamadda. Kenya ayaa sidoo kale marar badan ku guul-darreystay isku day ay ku dooneysay in wada-hadal lagu dhameeyo kiiska.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

 

VOA


Loading...
Loading...