Dal jiraha Daahsoon!

0
Tuesday October 12, 2021 - 16:26:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal jiraha Daahsoon!

    W/Q:Ahmed Abdihadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Ahmed Abdihadi

Inta badan waddamada adduunka waxaa ka dhisan taallada lagu maamuuso dadka dalka u shaqeeyay ee aan la ogayn/aqoon.  Dadkaas si loo maamuuso waxaa loo dhisay taallo lagu magacaabo " Daljirka Dahsoon”

 

Alle ha naxariistii Generaal Cabdi Mohamed Samater (Abdi Dheere) oo bilo ka hor geeriyooday wuxuu ahaa ninkii badbaadiyay wasaaradda arrimaha dibadda oo ay yaalleen kayd muhiim ah oo uu kamid yahay  heshiisyadii dalkeennu la galay waddamada kale kaddib xorriyaddii ilaa burburkii.

 

Kaydka  waxaaa ku jiray heshiiyo muhiim ah oo la xariira arrimaha badda sida hashiiskii kamid noqoshada UNCLOS, kii maxkamada Caalamiga ah, iyo arrimo badan oo la xariira heshiisyadii lala galay shirkadihii shidaalka ee dhinaca badda iyo dhulkaba.

 

Sannadkii 2014 oo ahayd markii la billaabay in dacwadda badda la geeyo maxkmadda ICJ ayaa waxaa dib loogu laabtay kaydka wasaaradda arrimaha dibadda halkaasoo laga helay documentiyo muhiim u ah doodda Soomaaliya. Waxaa booqasho kaydka markaas ku tagay Raysulwsaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo la kulmay Jeneraalka (eeg sawiradda lifaaqa)

 

Maanta  marka ay saacaddo tahay 4:00pm waqtiga Muqdishu waxaa lagu dhawaaqi doonaa go’aanka maxkamadda.  Sida la filayo waxaa dacwadda ku guulaysan doona dalkeenna.

 

Arrintan waxay guul wadareed u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Haddaba, dadkii ka soo qaybqaatay arrintan siyaabo kala duwan waxay mudanyihiin duco iyo mahad celin.

 

Si gaar ah alle ha u naxariistee Generaal Cabdi Dheere wuxuu mudan yahay maamuus gaar ah iyo in magaciisa lagu daro dadkii kaalinta muhiimka ah ka soo qaatay guusha la filiyo in aan maanta heno.

 

 

W/Q:Ahmed Abdihadi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...