Siyaasada Iyo Baahiyaha Qaranka J. Somaliland Wuu Ka Macno Weyn Yahay Maamulka Jooga Oo La Badelo Mid Kalena La Keeno.
Waydiimahani waxa ay ina siinayaan in aynu garano dhab ahaan meesha aynu u socono , iyo in aynu helno cida ugu haboon ee inoo hagi doonta halka aynu rabno iyo aqoonta , waayo aragnimada iyo khibrada aynu ku soconaynaa ta ay tahay.
Dawladnimadu waa nidaam u adeega dadkiisa oo qofka ugu sareeya ilaa qofka ugu hooseeyaa ku sifeysan yihiin shaqaale umadeed , halkani waa fahamka dhabta ah iyo macnaha dawladnimo leedahay , laakiin waxaa jira in loo samaystay macnoyaal kale marka la joogo dunida sadexaad ee aynu k a midka nahay oo loo arko ;
1- Meel awood laga helo qofku gar iyo gardaroba uu sida uu doono u isticmaalo.
2- Meel dhaqaale badan laga soo shaqeysto oo hore looga taajiro .
Si haddaba aynu uga bad-baadno sifooyinkani marwalba oo ay doorasho iyo xulasho ina hor timaado waxa aynu u baahahanay in wax inoo kordhaan oo aynaan taagnaanin halkii ay jamhuuriyada Somaliland maraysay 2002 markii ururadii siyaasadeed ee ugu horeeyey dalka laga sameeyey hadii aad taariikhda yar dhuuxdana waxaaba uu nidaamku wanaagsanaa xiligaasi hore ee la xiisaynayey qaabkan cusub ee uu dalku u guuray.
Haddaba siyaasada iyo baahiyaha qaranku waa ay ka macno weyn yihiin hadba maamulka talada jooga oo la badelo iyada oo loo arkayo in ay tahay xalka horumarka iyo caqabad umada hortaala , waana wax aynu soo aragnay iyada oo dadku xaq u leeyihiin in ay ridaan iyo in ay doortaan labadaba .
Waxa aan idin la wadaagayaa dhawr qodob oo aynu uga baahanahay madaxweynaha soo socda iyo xukuumadiisa;
1- Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu u baahan yahay in uu ka mid noqdo qaramada aduunka waxaana uu u halgamayey 30 sanadood ee hogaamiyaha la dooranayaa ma hayaa qorshe iyo balan-qaad uu dalkani kaga mid noqonayo qaramada aduunka.
2- Umad waliba horumarkeedu waxa uu ku jiraa sida ay dalkeega uga shaqeysato , u maalgaliso ulana soo baxdo khayraadkiisa kala duwan si ay uga maarmaan dunida kale maxaa qorshe ah ee uu ka leeyahay qodobadani oo cad oo lagu doortaa.
3- Sidee uu dadka jamhuuriyada Somaliland u wadaajin karaa wax wada lahaanshaha dawladnimo , ugana saari karaa tabashooyinka saamiga is-tuhunka iyo isku muuqashada siyaasada ku dhisan inteeda badani ee dhex-taala .
4- Qorshe iyo aragti ka duwan oo uu qodob qodob ugu dul istaagayo waxa maamulkii ka horeeyey xumeeyeen iyo qaabkii loo saxayey oo wata qorshihii iyo goorta la saxayo ba .
Si haddaba aynaan ugu jirin isbadel ku dhisan ku badel hebel mid kale lagu badelo iyo xisbi mid kale badela oo aan umada waxba u soo kordhin waxa aynu baahanahay in dadka Somaliland ee doortayaasha ah in wacyigooda kor loo qaado si aynaan ugu cel- celin dhacdooyinka soo noqnoqda ee aan afka dhaafsanayn iyo hab dhaqanka ah koox badeshay koox kale.
Waxa hubaal ah in dadka jamhuuriyada Somaliland yihiin dadwayne u baahi qaba wax waliba oo adeeg ah oo ay dawladnimadu bixiso waana waajib in qofwaliba uu xaq u leeyahay in uu helo sida ku xusan dastuurka iyo xeerarka dalka , ta aynu rabno in ay hirgashaana waa tan ee aan doonaynaa in dadku wax ku kala doortaan.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!