Xildhibaan Indho-indho Oo Ujawaabay Xildhibaan Maxamed Abiib

0
Tuesday October 12, 2021 - 12:02:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Indho-indho Oo Ujawaabay Xildhibaan Maxamed Abiib

    "Dad noolbu tacsiyadeenayay, Laascanoodna dad dhintaybuu habaaraya,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dad noolbu tacsiyadeenayay, Laascanoodna dad dhintaybuu habaaraya,"

Hargeysa (HWN) – Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.



Hadalka uu ka jawaabay Xildhibaan indho indho ee ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa ku saabsanaa dadkii laga saaray magaalada Laascaanood, oo xildhibaan Maxamed Abiib ku tilmaamay saarista dadkaasi talaabo dhaqanka iyo sharcigaba meel ku lahayn.


"Anigu waxaan u malaynayaa inuu ninkan yahay kuwii Itoobiya ka ooyi jiray, Xildhibaankaasi anigu ma garanayo ee waa ninka ooya ee Ruqi ka soo baxay ee golaha wakiilada ku jira. Nagama geyaan in aanu nidhaahno reer Boorame aakhirana meel kuma leh adduunkana meel kuma leh ee naga xishood” ayuu yidhi Xildhibaan indho indho.


Waxaanu intaasi kudaray "Dad noolbu tacsiyadeenayay, Laascanoodna dad dhintaybuu habaaraya, Inan yarbaad tahay maanta intaa kuu dhaafi maayo".

 

Dadka dhaliilaa Xildhibaan indho-indho ayaa sheega in aanu Xildhibaanku waxba ugu filnayn deegaanka uu metelo, had iyo jeerna qalad iyo saxba uu ku taageero kolba xisbiga talada haya.

 

 

Loading...
Loading...