Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Waa Xildhibaanka Aqlabiyada Shacabka.

0
Tuesday October 12, 2021 - 11:03:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Waa Xildhibaanka Aqlabiyada Shacabka.

    Waxa qoray Siciid Cagjar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qoray Siciid Cagjar

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun waa Masuul ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland ahna Xildhibaanka Aqlabiyada Shacabka.



Xaqiiqdii waa Masuul ay u kala saaran tahay Mucaaradnimada iyo Qaranimadu haddii uu yidhi dawladda waan ku garab taagnahay sugidda amniga dhiiga bulshaduna dheeman wuu ka qaalisan yahay waxa ay reer Soomaaliya ku eryadaan waa khalad.


Inta Ogaalkay ah Barkhad Soomaaliya lacag kama dalban olallena kama dalban balse iyaga iskood u sacaba tumay haddii ay ku taageerayeen Somaliland ayuu kasoo horjeesanayaa ama dawladdiisa ayuu sax iyo khaladba ku Mucaaradayaa walee gudcur bay gudeen.


Ninkan 15, 000 lagu khuukhinayaa bulshadiisu Caawa ayey 1milyan siin karaa oo dhiigooda ayey u huri karaan.


Xildhibaanada Somaliland beesha Caalamku Mushahar ma siiso sida kuwa Soomaaliya ee waxa laga siiya Cashuurta ay bixiyeen shacabka fartooda ku doortay,  taangiyo laguma ilaaliyo ee dhulkooda ayey nabad ku mushaxaan marka yaan ragga safafka dhaadheer loo galay dhalay la moodin.

Somalilandnimadu Waa Waajib

Waxa qoray Siciid Cagjar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...