Maxkamada ICJ oo maanta go'aan ka gaaraysa kiiska Badda

0
Tuesday October 12, 2021 - 09:42:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada ICJ oo maanta go'aan ka gaaraysa kiiska Badda

    Maxkamadda ICJ ayaa shalay sirasmi ah u shaacisay in Maanta oo Talaada ah ay go'aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ICJ ayaa shalay sirasmi ah u shaacisay in Maanta oo Talaada ah ay go'aan


Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ inay ku dhawaaqdo natiijada kiiska dacwadda Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Kiiska muranka Badda ee Somalia iyo Kenya ayaa soo billowday sanadkii 2014-kii xilligaas oo Somalia ay kiiska dacwadda Maxkamadda geeysay, waxaana uu soo jiitamayay muddo 7 Sano ah, iyada oo dowladda Kenya ay maalmo ka hor sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aan kastanoo kasoo baxa Maxkamadda.

 

Maxkamadda ICJ ayaa shalay sirasmi ah u shaacisay in Maanta oo Talaada ah ay go’aan ka gaari doonto Kiiska Badda, isla markaana ku dhawaaqi doono saacadu marka ay tahay 3:00 Galabnimo, waxaana Xarunta Maxkamadda ICJ ee Magaalada Hagua ku sugan Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar).

 

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay inay Soomaaliya Guulaysan doonto.

 

"Waxaan ku niyad samahay in àan guulaysanayno haddii alle idmo” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee QarankaSulleymaan Maxamed Maxamuud”

 

Madaxda Dowladda Soomaaliya, Madaxdii ka horreeysay oo kiiskaan dacwadda Badda gudbiyay iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya Go’aanka Maxkamadda ICJ, waxaana lagu rajo weyn yahay in Soomaaliya loo xukmiyo inay Biyaha lagu mursan yahay ay leedahay.


Loading...
Loading...