Maxaa Ka Dhalan Kara Marka Hilibka Cas Aad Loo Cuno?

0
Tuesday October 12, 2021 - 08:26:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Dhalan Kara Marka Hilibka Cas Aad Loo Cuno?

    "Waxaa ka dhashaa cudurro kale sida xanuunada ku dhaca dhiigga, kansarka dhiigga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa ka dhashaa cudurro kale sida xanuunada ku dhaca dhiigga, kansarka dhiigga"

Souleymane Sy wuxuu ahaan jiray shaqaale dowladeed, waxaa ku dhacay cudur la yiraahdo Gout kadib markii uu aad u cunay hilibka cas.



Waa cudur horseeda in aashatada Uric ay ku badato dhiigga banii'aadanka taas oo keenta in maddada Purine ay gasho jirka.


Maddada Purine waxay ku badan tahay cuntooyin uu kamid yahay hilibka cas.


Hilibka cas waa halis

Souleymane Sy wuxuu inta badan cuni jiray hilibka cas haatan waxaa gacantiisa ka muuqdaa barar isla markaana wey biyo gashatay.


"Waxaan aad u badsaday hilibka cas, markasta oo aan shaqada ku jiray waxaan cuni jiray hilibka cas, waxaan tegi jiray kawaanka si aan uga soo iibsado kiilo hilibka cas ah, marka si aad ah ayaan u cuni jiray hilibka cas, haatan waxaan dareemay dhibaatadiisa"


Mararka waxay ka shaleyn jiray in si aad ah aan u cuni jiray hilibka cas balse waxaa adag inuu iska joojiyo maadama dalka Niger si weyn looga isticmaalo hilibka cas gaar ahaan nooc dalkaas looga yaqaano Kilishi.

Dr Alassane Amadou Seydou, Nigerien oo ka howlgala dalka Nigeria ayaa sheegaya in maddada Purine ee laga hela hilibka lala xiriiriyay cudurro kale.


"Waxaa ka dhashaa cudurro kale sida xanuunada ku dhaca dhiigga, kansarka dhiigga"

Wuxuu intaa ku daray in xanuunka haya ninkan sidoo kale lala xiriiriyay qaadashada badan ee dawooyinka sida kuwa lagu daweeyo qaaxada ama wadnaha.


Souleymane wuxuu la daalaa dhacaya xanuunka uu kala kulmaya gacanta barartay xitaa uu habeenkii ka seexan la'yahay.


Xanuunka Gout ragga kaliya ah kuma dhaca balse wuxuu sidoo kale ku dhacaa dumarka, waana mid si weyn u saameya xubnaha laabma ee jirka banii'aadanka sida jilbaha iyo gacmaha.

"Wax kasta oo aan lahaa waan iibiyay"


Xanuunka Gout wuxuu si weyn u saameeyay Souleymane, wuxuu iska iibiyay hantidiisa oo idil si uu caafimaad u helo.


Dr Alassane Amadou Seydou wuxuu leeyahay xanuunka Gout waa mid la daweyn karo balse waa in qofka uu si weyn uga taxaddaraa cuntada uu qaadanayo iyo in si joogta uu adeegsado dawooyinka la siiyo.


"Halkan Niger, dadka uu ku dhaca Gout waxaan kula talinaa inay iska dhaafaan cunidda hilibka cas iyo nooca hilibka caanka ka ah halkan ee la yiraahdo Kilishi si jirka banii'aadanka looga ilaaliyo in uu ku bato aashatada Uric"


"Waxaan dadka kula talinnaa inay badsadaan isticmaalka qudaarta iyo miraha" ayuu yiri Dr Alassane Amadou Seydou.

 

BBC

Loading...
Loading...