Culimada Soomaalida ee Kenya oo soo saaray digniin ku saabsan kiiska dacwadda badda

0
Monday October 11, 2021 - 18:48:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culimada Soomaalida ee Kenya oo soo saaray digniin ku saabsan kiiska dacwadda badda

    r Aadan Yoonis Sheekh Ibrahaim oo ah madax golaha sare e Muslimiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

r Aadan Yoonis Sheekh Ibrahaim oo ah madax golaha sare e Muslimiinta


Iyadoo maalinta beri ah la filayo in Maxakamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ay go’aan ka gaarto dacwadda xuduud badeedka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa qaar ka mid ah culimada Kenya ay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaas uga digayaan in ay sameeyaan wax dibad bax ah dhinac kasta oo go’aanku u dhaco.


War ay soo saareen ayey ku sheegeen culimadu in si looga fogaado isku dhac qoomiyadeed aan la sameynin isu soo baxyo.

Dr Aadan Yoonis Sheekh Ibrahaim oo ah madax golaha sare e Muslimiinta dalka Kenya laanta gobalka waqooyi bari ayaa sheegay in Sooomalida looga baahan yahay ka Shaqeynta wax ay kujirto maslaxada Ummadda.
Xadka labada Dal ayaa waxaa laga Dareemayaa Dhaqdhaqaaqyo Ciidan, Oo Ay Wadaan Labada Dhinac.

Dhawaan Taliyaha Ciidanka Xooga dalka soomaaliya Ayaa Tagay Qaybo ka Mid ah Gobolka Gado, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay Ciidanka Xooga Dalka SOOMAALIYA ee Kalhore Dowlada Soomaaliya Gaysay Gobolkaasi…
Loading...
Loading...