"Madaxweynuhu Daacad Kama Ah Doorashada Golaha Guurtida Wuxuu Doonaya…."

0
Monday October 11, 2021 - 13:33:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynuhu Daacad Kama Ah Doorashada Golaha Guurtida Wuxuu Doonaya…."

    "Xukuumaddu maaha sharci dejin, laakiin xeerka way curin kartaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumaddu maaha sharci dejin, laakiin xeerka way curin kartaa"
Hargaysa (HWN) Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa sheegay in aanu Madaxweynuhu daacad ka ahayn in ay doorashada Golaha Guurtidu qabsoonto wakhtigeedii, isaga oo dhinaca kalena xusay in aanay Golaha Wakiillad ee Mucaaradku haystaan aqlabiyada ogolayn in ay dedejiyaan samaynta xeerka lagu dooranayo Mudaneyaasha Golaha Guurtida.


Cali Gurey oo ka hadlayey madal lagaga doodayey qaabka loo soo dooran karo Golaha Guurtida, ayaa waxa uu yidhi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayey "Xukuumaddu maaha sharci dejin, laakiin xeerka way curin kartaa, xeer dejinta rasmiga ahina waa golaha Wakiillada, imika arrinta (doorashada Golaha Guurtida) waa ishaafalato Xildhibaannaduna way garanayaan, Madaxweynuhuna wuu garanayaa. Labaduba way is og yihiin. Madaxweynuhu sida aan anigu u arko, in aan khaldanahay waa laga yaabaaye, daacad kama aha doorashada Golaha Guurtida oo wuxuu doonayaa inuu Guurtida ku yidhaahdo waa tegaysaan oo doorasho ayaa la idin qabanayaa amma muddo kordhin ayaad ii samaynaysaan bisha November ee sannadka dambe. Qoladan Golaha Wakiilladuna, gaar ahaana Mucaaradka oo imika leh aqlabiyada way u khuurinayaan way og yihiin, sharci dejintiina iyaga ayaa ah, waxa laga yaabaa in aanay badhtilmaameedsan guurtidaba oo ay yidhaahdaan Guurtiyee iska fadhiya, laakiin doorashada Madaxtooyadu wakhtigeedii ayey dhacaysaa, ee idinku guurtiyee ha u kordhina Madaxweynaha ee isku fadhiya, markaa Madaxweynuhu ma sharci ayuu samayn karaa, markaa sidaas ayaa la isugu khuurinayaa.”


Wargeyska Saxansaxo

Loading...
Loading...