Bisha Octobar Bil Taariikh Weyn U Leh Gudoomiye Ciro

0
Monday October 11, 2021 - 11:06:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bisha Octobar Bil Taariikh Weyn U Leh Gudoomiye Ciro

    Waxa qoray, Xamse Cali Bulbul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qoray, Xamse Cali Bulbul

Aas-aasaha Ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro bishii October 11 .2011 ayaa isaga iyo saraakiil kale oo ay saaxiib siyaasada ku yihiin kaga dhawaaqeen Hargeysa ,

 

 

Bishii October 2005 ayuu si rasmi uga mid noqday liiskii xildhibanadii ugu horeeyey ee cod dadweyne ku soo baxa Iyada oo maalmo ka dibna uu ku guulaystay guddoomiyihii golaha wakiilada .



Bisha October 2015 ayey koox wasiiro oo ahaa oo saameyn ku lahaa xukumadii Madaxweyne Siilaanyo Is casileen Waxa Hogaaminayey Xirsi Xaaji Cali Xasan Waxaanay Si adag uga Horyimideen musharaxnamadii Madaxweyne Biixi Iyaga oo wakhti kooban Ka dib ku biiray Xisbiga Waddani waxaanay Xoojiyeen cududii xisbigaasi

 

 

Isla sanadka 2021 Bishan October siyaasiyiin miisaan culus oo uu hogaaminayo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi , ayaa wada hadal la furay Xisbiga Waddani waxay ahaayeen wasiiradii sida xoogan u dhisay Madaxweyne Biixi dhawaan ayey kala fogaadeen

 

 

31 Bishan October waxa qabsoomaya shirweyinihii xisbiga Wadani oo Saameyntiisa Wata

Guddoomiye Cirro todabaadadii ugu dambeeyey, waxa magaalooyinka Dubai Nairobi iyo Hargeysa uu ka waday kulamo gogol xaadhayo doorashooyinka Madaxtooyada Soomaliland.

 

 

Waxa qoray, Xamse Cali Bulbul

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...