Ururadii Umulay Shalay, Aflagaado Mooyaane, Duul Aqoonleh Maydhalin, Aqalkii Golaha Xidhe.

0
Monday October 11, 2021 - 11:00:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururadii Umulay Shalay, Aflagaado Mooyaane, Duul Aqoonleh Maydhalin, Aqalkii Golaha Xidhe.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAHEDA.

 

1-Arladeenan waxa rogay,Afhayeeno tiro badan,

   Odayaashi dhaqanko,Inyar mooye ka anbaday,

   Arimahay lahaayeen,Eedayniyo wax sheeguun,

   Arroor walba la toosoo,Miidiyahu ugaadhsado.



 

2-Aynigay yahiiniyo,Afkooda waxa ka soo baxa,

   Aflagaadadiyo cayda,Ereyaday yidhaahdaan,

   Ummadeena badankeed,Aad bay ula yaabaan,

   Inina way u orisaayoo,Uurkay ka jecelyahiin.


 

3-Awrba awrka hore arag,Adin sidu u qaadee,

   Geelanuu abeerkiyo,Irmaankiba durduriyeen,

   Aarankuna maxuu fali,Miyay oodu celin kari,

   Ururadi umulay shalay,Ubada bay dhalen siya.


 

4-Aqalkii wakiilada,Ugaybkaad doorkan xulateen,

    Ifafalahoda arada dooda,Bulsho may la aragta ,

    Mise waa anoo qudha,Anfariirkan yaabka lehi,

    Oohow ma tidhaahdaan,Awrti dabarki goostee.


                               Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...