Laba Xildhibaan Caqligooda Caadifad Iyo Fudayd Ayaa Haga
Iyada oo guud ahaanba
laga dayrinayo Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Soomaalilaan ee la doortay,
haddana waa la is-dhaamaa. Intooda badan Xildhibaannada Baarlamaan ayaa
da’doodu u dhaxaysaa 30- 45 sanno. Waana da’ haddii aanay maskaxdooda waxba ku
shubin (wax-akhris), ay keeni karto in caqligoodu madhnaan karo. Caaqiido cilmi
nafis ah ayaa tidhaa” qofka weyni (60-90) wuxuu u xooggan yahay maskax ahaan,
waxaanu u diciif yahay jidh ahaan. Waayo wuxuu soo taagnaa balaayooyin badan
iyo barwaaqooyin badan. Halka qofka yar uu jidh ahaan u xoog badan, hasayeeshee
uu maskax ahaan diciif u yahay. Waaba ta ka soo socota da’yarta xildhibaannada
ah, waxaana la arki doonaa feedh iyo fara-taagtaag badan.
= Xildhibaan Maxamed
Abiib: wakhtigii ololaha wuxuu hadal ka jeediyey deegaanka Ruqi, isaga oo
hadalka jeedinaaya ayuu xakameyn kari waayey caadifadiisii iyo cadhadiisii.
Sideedabana meel ma wada galaan caadifada iyo cilmigu. Haddii ay caadifadi
meesha timaado cilmiga ayaa meesha ka baxa, oo qofka waxa haga caqli shaydaan,
mana kala garto wuxuu ku hadlay iyo ficilkiisu. Isaga oo caadifadiisa
ilaalinaaya ayuu si qurux badan u ololeyn lahaa tusaale qaabkii ay Barkhad iyo
Mooge ummadda codka uga doonayeen oo kale. manay ooyin haddana hadalka ayey
abbaarayeen. Wixii intii ka dambeeyey madal kasta oo uu hadal ka jeedinaayo
Xildhibaanku ma ilaaliyo wuxuu ku hadlayo, oo sidii ololaha oo kale ayey
caadifadiisu hagtaa oo hadalladiisu sida dabayl xagaaga ayuu kolba dhan kaaga
imanayaan.
= Xildhibaan Axmed
Yaasiin: aad looma aqoon intii uu ku jiray ololaha doorashadda Baarlamaanka,
hasayeeshee wuxuu ku soo shaac-baxay mid ka mid ah kal-fadhiyadii ugu horreeyey
ee ay Baarlamaanku yeeshaan. Wuxuu soo jeediyey laba aragtiyood oo marka
miisaanka caqliga la saaro aan meelna ka soo gelin inuu ku dhawaaqo masuul loo
doortay xil qaran. Wuxuu soo jeediyey in madaxda qaranka loogu yeedho HUUNO.
Kelmadan HUUNO waa af-guri aad loogu isticmaalo deegaannada Hargaysa galbeed ka
xiga. Mana aha kelmad ay wada adeegsan karaan gobollada Soomaalilaan oo dhan.
Sidoo kale wuxuu soo
jeediyey in saddex dumar ah la guursado. In kasta oo diinta Islaamku
diiragelisay guurka dumarka, haddana waa wax ku xidhan doonista qofka iyo
waayihiisa. Wuxuu keenay wax isaga ku weyn oo aanu si caqli ah uga fikirin in
xildhibaannadu la qabaan iyo in kale. dhawaan isaga oo ka hadlayey bandhigga
buugga ‘Gefdiid’ wuxuu sheegay inuu golaha horgeyn doono mooshin ah” dawladda
Fadaraalka ah ee Soomaalilaan”.
Malaha weligii hal boggna kamuu akhriyin Distoorka Soomaalilaan. Waa hadal ku yimid caadifadda oo aan caqliga la soo marin. Qaddiyadda Soomaalilaanimada wixii laga beddelayo waxa lagu beddelayaan afti dadweyne,isna mooshin keenis ayuu u fahmay. Markuu hadlayo wejigiisa iyo ficilkiisa wax aka muuqda caadifad iyo deg deg aan u fiicnayn qof masuul qaran ah.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!