Maxaa Ka Jiro In Africa Ay Leedahay Hab-gaar Ah Oo Ay U Xilisato Muran Xuduudeedka.

0
Monday October 11, 2021 - 09:58:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jiro In Africa Ay Leedahay Hab-gaar Ah Oo Ay U Xilisato Muran Xuduudeedka.

    "Tusaale ahaan Benin iyo Niger waxay isku haysteen 25 Jasiiradood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tusaale ahaan Benin iyo Niger waxay isku haysteen 25 Jasiiradood"

Madaxda dalka Kenya iyo aqoonyahanno badan oo Kenyaan ah ayaa qabo in Soomaaliya ay ku qaldanayd dacwadda ICJ ay u gudbisay, iyagoo sheegay in ay gaf ku tahay habka Africa ay u xalisato murunadeeda oo ah heshiis iyo wada hadal " African solutions to African problems".

 

Doodaas dadka qabo waxaa kamid ah Prof Peter Kagwanja oo dhawr jeer warbaahinta u sharaxay, sheegayna in ay tahay arin dhaqan iyo soo jireen u ahayd Africa in murunada lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda.

 

Doodaas kuma ekaan khudbadaha Madaxda Kenya ee waxaa lagu soo daray dood qoraaleedka Kenya ee Maxkamadda ICJ loo soo gudbiyey "Counter memorial of Kenya" iyadoo la raaciyey heshiisyo maabab loo daliishanayo arintaas.

Nuxurka doodaas ayaa u dhignaa sidan.

 

Dooda Soomaaliya ee xariiqa Equidestance line-ka ma aha arin Africa ay wax ku samaysato, Africa waxay taqanaa parallel of latitude, waxaana tusaale u ah heshiiska Gambia iyo Senegal 1975, Mauritania iyo Morocco 1976, Angola iyo Namibia 2002.

 

Doodaas sharci ahaan waa mid ay fududahay jawaabteeda, sababtoo ah waa in ay yihiin Heshiisyo siyaasadeed ee aysan ahayn xukun Maxkamadda ICJ kasoo baxay, Labo dowladood heshiiskoodna uusan xuquuq dal kale saamaynayn karin sida lagu yaqano Xeerka Caalamiga ah, Curfiga dowliga ah iyo Fiqhiga qaanuunka ee Maxkamadda ICJ ay dabaqdo.

 

In kastoo Xeerka Kenya ee Meritime zone Act 1989 Q. 4/4-aad uuba sheegayo in Xuduuda badda Kenya iyo Soomaliya loo raaci doono xadeyntooda Mabaad'iaadaha aas-aasiga ee Xeerka Caalamiga ah oo ah midka ay hada diidantahay Kenya, hadana aan firino in xaqiiqo tahay in Africa aysan ICJ iyo Maxkamad Caalami ah aysan iska dacwayn.

 

Dowladaha Africa si lamid ah dowladaha caalamka waxay u aadi jireen garnaqsiga Maxkamadaha Caalamiga ah, ka hor xataa inta aan la dhisin Hay'adda Qaramada midoobe iyo ICJ ee uu jirey nidaamkii hore ee "League of Nations” iyo Maxkamaddii Joogtada ee Cadaaladda adduunka ee hada ICJ lagu badalay "The Permanent Court of International Justice,1922 - 1946".

 

Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa dalalka ICJ iyo Maxkamadda murunada badaha ITLOS u tagay garnaqsi kuwaan.

 

- Itoobiya iyo Liberia oo dhinac ah Vs South Africa 1960-kii,

- Nigeria Vs Cameroon 1998,

- Congo Vs Burundi 1999,

- Botswana Vs namibia 1996,

- Congo vs Rwanda 1999,

- guinea bissau vs senegal 1989,

- Libyan vs chad 1990-kii,

- Burkina-faso, Vs Mali 1983-dii,

- Libyan vs Tunisia 1978,

- Libyan Vs Malta 1982-dii,

Congo Vs Uganda 199,

- Benin Vs Niger 2002 .

Dowladahaan dhamaan waxay isku haysteen arimo la xariira Xeerka Caalamiga ah, qolfoof badeed, xuduud dhuleed, xad-gudub Milatari imw.

 

Tusaale ahaan Benin iyo Niger waxay isku haysteen 25 Jasiiradood, waxayna ka wada tirsanaayen French west africa, 16 kamid ah Jasiiradahaas waxaa la siiyey Niger, halka xad loo sameeyey Webiyada Niger iyo Mekron, Nigeria iyo Cameroon-na waxay isku haysteen Gobalka Bakassi Peninsula, mana jirto wax asxan ah oo la isu sameeyey dhulalkaas sidaas u wayn.


Loading...
Loading...