Farmaajo oo Itoobiya uga qeybgalay kulan looga hadlay askartii Eritrea loo qaaday.
Xogta Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo laba sano kahor tababar loogu qaaday dalka Eritrea ayaa u muuqata in ay la soo baxeyso waji cusub oo waalidiinta iyo ehelada ay ka maqanyihiin ka war dhowrayaan.
Saraakiil xagga amniga ah ayaa warbaahinta la wadaagay qabar dhawaan gal ah, oo ku saabsan xaaladda dhalinyarada maqan iyo kulan looga arinsaday oo ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan Addisababa.
Wararka waxaa lagu helay in safarkii maalmo kahor uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Itoobiya uu la socday sarkaalka aan la arag muuqiisa ee NISA kuleh awoodda aadka u sareysa, waa Cabdullahi Daahir oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer,kaasi oo haya jagada taliyaha dabagalka ee nabad sugidda Soomaaliya ahna madaxa mukhaabaraadka.
Ilaha hey’adaha amniga kamid ah ee xogtan laga soo xigtay waxay tilmaameen in sababta bixintaanki madaxweyne Farmaajo aan looga helin muuqaal, iyo soo laabashadaba ay ahayd in ay wafdiga kamid ahaayeen Korneel Cabdullahi Dheere iyo xubno kale oo warbaahinta ka gambada, iyadoona ay Addisababa uga qeyb galeen kulan qaatay saacado aad u badan oo looga arinsaday askarta ku maqan Eritrea,
"Qorshaha waxaa uu ahaa in wafdiga ay tagaan Asmara, iyo halka ay askarta ku sugan yihin ee Eritrea balse waxaa loo baajiyay cilado farsamo, sababtoo ah waxaa idaacadaha laga sheegay sirtii safarka” ayuu yiri sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo nala hadlay.
"Kulanka ka dhacay Addisababa waxaa goob joog ahaa saraakiil sare oo ka socday dowladaha Eritre, Itoobiya iyo Qatar, Farmaajo iyo Cabdullhi Dheerana waa joogeen” ayuu sii raaciyay sarkaalka.
Sidoo kale waxaa la tilmaamay in korneel Cabdullahi Daahir uu si gaar ah u lahaa qaban qaabada kulanka, balse lama oga go’aanada ka soo baxay.
Macluumaad soo baxay waxay muujinayaan in Taliyaha dabagalka ahna madaxa mukhaabaraadka uu wado qorshe mardhaw dalka dib loogu soo celinayo askartaasi tababarka ku maqan. loona adeegsado muddo kordhin.
Shirkaasi ka dhacay Itoobiya ee looga hadlay arinta askarta ku maqan Eritrea ayaa ku soo aadeysa xilli uu dalka ku jiro jahwareer siyaasadeed oo sameeyay hey’adaha amniga tan markii uu soo shaac baxay kiiska Ikraan Tahliil.
Taliyaha dabagalka NISA ayaa la wariyaa inuu xogta ugu badan ka hayo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee dalka geliyay xaaladaha lama qiyaasaanka ah. waxaana uu si gaar ah gacanta ugu hayay liiska dhalinyarada ay waalidkii dhalay cabashada muujiyeen ee ku maqan Eritrea, waxaana la sheegaa inuu yahay ninka kaliya ee Kiisaskaasi wax ka qaban kara.
Waxaase uu dhinaca kale wajahayaa eedeymo culus oo ku aadan inuu ka danbeeyay xasuuq shacab oo ka dhacay deegaano kamid ah gobolada dalka, iyadoo uu yahay nin wajiyo badan.
Dhinacyada is khilaafsan ee Farmaajo iyo Rooble ayaa midba waxaa uu kan kale si dadban ugu eedeeyaa inuu gadaal ka riixayo fatqalooyin amniga saameynaya, waxaana nabad sugidda ay waayahan noqotay halka ay beesha caalamka isha ku hayaan kadib markii lugaha la galeen kiiska dhalinyarada labada sano maqan iyo Ikraan Tahliil oo iyana bishii afaraad oo xiriir ah lagu la’yahay nolol iyo geeri.