Haweeney Colombian ah oo lagu afduubtay Mali sanadkii 2017 ayaa la sii daayay
Gloria Narvaez, nun oo u dhalatay dalka Colombia oo in ka badan afar sano ay afduubteen xagjiriinta xidhiidhka la leh al-Qaida ee Mali ayaa la sii daayay.
Gabadhan oo wadaad ah waxaa laga qafaashay Febraayo 2017 meel u dhow xadka Mali ay la wadaagto Burkina Faso.
Shuruudaha siideynteeda lama shaacin. Assimi Goita, Madaxweynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Mali, xubno ka tirsan ciidanka ayay la socotey wadaada Colombia u dhalatay ee Gloria Narvaez
Waxaa qaabilay madaxweynaha ku-meelgaadhka ah ee Mali Sabtidii halkaas oo loogu mahadceliyey mas’uuliyiinta.
"Waxaan u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta Mali, madaxweynaha, dhammaan mas’uuliyiinta Mali, dadaal kasta oo aad samayseen si aad ii xoreyso, Alle ha ku barakeeyo, Allaha barakeeyo Mali. Aad baan kuugu mahadcelinayaa.”
Waxaa jiray warar aan joogto ahayn oo ku saabsanaa badbaadada Gloria Narvaez nun sanadihii la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee waxaa jirey iskudayo dhowr ah oo la qabtay si laysugu siidaynteeda.
"Kulammo ayaa lagu qabtay adduunka oo dhan, iyadoo danjirayaal ka socda dhowr waddan oo Yurub u fadhiya Afrika, ay mar walba niyadda ku hayeen raadinta sidii si nabadgelyo leh loogu sii dayn lahaa (Gloria Cecilia Narvaez),” ayuu yiri Jorge Luis Vargas, Agaasimaha Qaranka Colombia u qaabilsan Booliska.
Kooxda xidhiidhka la leh al-Qaacida ayaa weli gacanta ku haysa dhowr kale oo reer Galbeedka ah, oo ay ku jiraan wadaad Mareykan ah oo lagu afduubtay Niger iyo wariye Faransiis ah.
Mali waxay isku dayaysay inay xakameyso kacdoonnada Islaamiyiinta xagjirka ah tan iyo 2012 -kii.
Falaagada xagjirka ah ayaa lagu qasbay in xoog looga saaro magaalooyinka waqooyiga Mali iyadoo la kaashanayo hawlgal milateri oo Faransiisku hoggaaminayey 2013.
Si kastaba ha ahaatee, fallaagada ayaa si degdeg ah isugu uruursaday saxaraha waxayna bilaabeen inay weerarro joogto ah ku qaadaan ciidanka Mali iyo xulafadooda la dagaallamaya kacdoonka. Kooxaha xagjirka ah ayaa si wanaagsan isugu ballaadhiyey badhtamaha Mali.