Masuul Ka Cudur Daartay Xil Muuse Biixi Umagacaabay

0
Monday October 11, 2021 - 09:15:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuul Ka Cudur Daartay Xil Muuse Biixi Umagacaabay

    "Aadan Ciise ayey isku deegaan kasoo jeedaan Wasiirkii hore ee Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aadan Ciise ayey isku deegaan kasoo jeedaan Wasiirkii hore ee Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaa"

Hargaysa (HWN)  Siyaasi Aadan Ciise Maxamed oo Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland, ayaa ka cudur daartay inuu qabto xilkaasi, kadib markii uu saluug ka muujiyey metelaada deegaankiisa iyo xilka loo magacaabay in aanay isu qalmin.



Aadan Ciise ayey isku deegaan kasoo jeedaan Wasiirkii hore ee Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo uu dhawaan xilka ka qaaday Madaxwaynaha Somaliland.


Masuulkan ka cudur daartay, xilka loo magacaabay, ayaa ka mid ahaa Guddidii ololaha doorashadii madaxtooyada ee 2017-kii ee Madaxweyne Muuse Biixi ku soo baxay.


Waxaanu noqonayaa Masuulkii labaad ee diida xilalka uu Muuse Biixi sida isdaba jooga ah umagacaabo Bilahan Dambe, waxaana Hore xil uu Muuse Biixi umagacaabay udiiday Wakiilkii hore ee Somaliland ufadhiyay Kenya Mr. Bashe.

Loading...
Loading...