"Somaliland kama aqbaleyno hantida ay ka Dhaceen dadkii ay soo musaafuriyeen" .KGS

0
Sunday October 10, 2021 - 12:20:18 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland kama aqbaleyno hantida ay ka Dhaceen dadkii ay soo musaafuriyeen" .KGS

    Waxaa uu sheegay inay tahay wax laga xumaado dbibaatada dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay inay tahay wax laga xumaado dbibaatada dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed

Xilli dhawaan Deegaanada Soomaaliland qasab looga soo rayay dad kazoo jeeday Deegaanada Maamulka KGS balse laga reebay Hantidii dadkaasi ku lahaayeen Laascaanood ayaa
Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu billaabay in ay diyaarado kusoo daabulaan dadkii dhawaan Somaliland kasoo musaafurisay Magaalada laas-caanood ee Gobolka Sool, kuwaas oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo kamid ah Guddiga Madaxweynaha Koonfur Galbred u xilsaaray xaaladda dadka la soo musaafuriyay ayaa sheegay in Somaliland dadka ay soo musaafurisay ay ahaayeen Carruur iyo waayeelo balse aysan kujirin dhalinyaro.
Waxaa uu sheegay inay tahay wax laga xumaado dbibaatada dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu geystay Magaalada laascaanood, kuwaas oo uu sheegay in badankood hantidoodii laga reebtay.
Isaga oo sii hadlayay Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka doonayaan hantida dadka ay soo musaafuriyeen, isaga oo sicad u sheegay in aan Somaliland laga aqbaleyn hantida ay ka reebteen dadka Shacabka ah.
Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed xilli Somaliland ay weli wado dadka ay soo musaafurineyso, isla markaana degaano kale oo ka tirsan Somaliland dadka kunool ay ku amartay inay isaga baxaan.

Loading...
Loading...