"Guurtida Maanta Jirtaa Maaha, Guurtida Uu Dhisay Tilmaamayana Dastuurku"

0
Sunday October 10, 2021 - 09:29:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Guurtida Maanta Jirtaa Maaha, Guurtida Uu Dhisay Tilmaamayana Dastuurku"

    "Sidoo kale dhawrsoonaanta xubinimo waxay kala mid yihiin Golaha wakiilada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale dhawrsoonaanta xubinimo waxay kala mid yihiin Golaha wakiilada"

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Mubaarik Cabdi oo kmid ah garyaqaanada Somaliland ayaa ka hadlay aragtida sharci ee Doorashada Golaha Guurtida Somaliand, waxaanu garyaqaanku sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-



Ugu horayn Guurtida maanta jirtaa maaha ,Guurtida uu dhisay tilmaamayana dastuurku waa guurtidii lagu dhisay shirkii Beelaha ee Boorama ,waxa lagu sharciyeeyay Axdi qarameedki laga guuray ee uu bedalay Dastuurki dadweynuhu aftida u qaadeen.


Guurtida Dastuurka lagu dhisay waa Ha,yad xeer dejineed waana qayb ka mid ah Aqalka xeer dejinta ama Baarlamaanka ee dalka , .


Dastuurku waxa uu tilmaamay inay Golaha Guurtidu ku imanayaan Doorasho ,Doorashaduna waa mid la mid ah uun ta madaxweynaha ,Golaha wakiilada iyo Golaha deegaankaba ugu qoran Dastuurka  ee ay ku imanayaan waana nooc doorasho Guud oo toos ah  Dadkuna isla yaqanaan .


Nuxur ahaan iyo Fahan ahaanba Marka la tasiirayo Dastuurka Waxa ugu weyn in la eego Ruuxda "Spirit" ka iyo Xarfaha "Literally" Dastuurku xaraf ahaan Doorashu tilmaamay doorashadaasna waxa looga qiyaas qaadanaya uun ta ay ku imanayaan Aqalka ay la midka yihiin ee xeer dejinta ama wakiilada.


Eeg qodobka 58aad waxa uu tilmaamaya Doorashada Golaha Guurtida , qodobka 59aad Shuruudaha qofka loo dooranayo Xubinimada Golaha Guurtida ,qodobku waxa uu xiganaya in shuruudaha doorashada Golaha Guurtidu ay kala mid yihiin Golaha wakiilada sida ku taxan qodobka 41aad ee Dastuurka ,marka laga reebo Da,da iyo aqoonta .


Sidoo kale dhawrsoonaanta xubinimo waxay kala mid yihiin Golaha wakiilada sida ku xusan qodobka 66aad ee Dastuurka.


Qodobka 130(3) oo ka hadlaya Buuxinta jagada Golaha Guurtida iyo wakiiladu marka ay banaanato waxa uu waajibinaya inta laga gaadhayo "Nidaamka Axsaabta ee Doorrashada "waxa soo xulanaysa beeshi uu ka tirsanaa xubinta geeriyootay.


su,aashu waxay tahay hadaba maanta ma jiraan xisbiyo ? Haa way jiraan sadex xisbi qaran oo Liisan haystaa ka jira dalka Guurtiduna doorashadeedu waa inay ku salaysnaata Hanaanka xisbiyada Badan ileen ujeedka xisbiyadan loo samaystay waa in iyaga lagu dhex tartamo ,waana sababta uu dastuurku u reebay Doorasho aan ku salaysnayn xisbiyo .


Eeg qodobka 9aad ee Dastuurka Faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan "Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyada soomaliland waxa saldhig u ah nabad, talo wadaag ,dimuquraadiyad iyo Hanaanka xisbiyada badan " . simple and clear .


Hadaynu eegno Tiirarka dimuquraadiyada waxa ugu weyn "Fair and Free election" Doorasho xor iyo xalaal ah .

Marnaba soomaliland kama dhici karto Doorasho dadban ,xulistuna waa dib u socodnimo ee maaha in la inaga raro nidaamki aynu hiigsanaynay ee ahaa "statehood " .


Waxa qoray Garyaqaan Mubaarik Cabdi

Loading...
Loading...