Hogaamiye Yurubiyaan Ah Oo Xilkiisa Ku Waayay Musuq-Maasuq Lagu Eedeeyay

0
Sunday October 10, 2021 - 08:05:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Yurubiyaan Ah Oo Xilkiisa Ku Waayay Musuq-Maasuq Lagu Eedeeyay

    "Waxa hadda loo baahan yahay ayaa ah xasillooni"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa hadda loo baahan yahay ayaa ah xasillooni"

Hogaamiyaha Austria, Sebastian Kurz, ayaa xilka wareejiyay kadib cadaadis ka dhashay musuq-maasuq lagu eedeeyay xisbigiisa.



Wasiirkiisa arrimaha dibedda, Alexander Schallenberg, ayaa lagu wadaa inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee Austria.


Kurz iyo sagaal qof oo kale ayaa lagu billaabay baaritaan kadib markii ay laamaha ammaanka u dhaceen dhowr xarun oo uu leeyahay xisbigiisa ÖVP.


Hogaamiyaha ayaa beeniyay eedaha ah inuu lacagta dowladda u adeegsaday si xisbigiisa waxyaabo wanaagsan uu uga tebiyo wargeys afdheer oo Austria ka soo baxa.


Eedaha ayaa sababi gaaray inay burburto xukuumadda wadaaga ah ee uu hogaaminayay Kurz, kadib markii xisbiga talada la leh ee Greens oo uu sheegay in ninkaas aanu hogaamin karin dalka.


Xisbiga Greens ayaa wadahadal la furay xisbiyada mucaaradka oo ku hanjabay in todobaadka dambe ay codka kalsoonida u qaadi doonaan xukuumadda.


Gudoomiyaha xisbiga Greens, Werner Kogler ayaa soo dhaweeyay is casilaadda Kurz, waxaana uu sheegay inuu la shaqeyn doono Schallenberg.


"Waxa hadda loo baahan yahay ayaa ah xasillooni. Si aan uga gudubno khilaafka taagan, waxaan go'aansaday in aan is casillo oo aan ka hortago qalalaase dhaca," ayuu sheegay Kurz.

Wuxuu intaa raaciyay inuu weli sii ahaan doono hogaamiyaha xisbigiisa iyo xubin ka tirsan baarlamaanka.


Sebastian Kurz ayaa bartamihii 2017 noqday hogaamiyaha ÖVP, waxaana dabayaaqadii sanadkaas uu ku guulaystay doorashadii dhacday. Da'da 31 jir ayuu ku noqday hogaamiyaha Austria, taasoo ka dhigtay hogaamiyihii ugu da'da yaraa ee si dimuqraadi ah loogu doorto hogaaminta dal dhan.


Falalka musuq-maasuq ee loo haysto ayaa la sheegay inay dhaceen intii u dhexaysay 2016 iyo 2018, xilligaas oo lacag laga bixiyay khasnadda dowladda loo adeegsaday in lagu marin habaabiyo aragtida dadweynaha oo laga dhigo mid u janjeerta xisbiga ÖVP, kadibna lagu soo bandhigo wargeys.

 

BBC

Loading...
Loading...