"Madaxtooyada Iyo Fahad ayaa Diiday Baadhista Kiiska Ikraan"Xildh.. Amina.

0
Saturday October 09, 2021 - 20:33:33 in News by
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxtooyada Iyo Fahad ayaa Diiday Baadhista Kiiska Ikraan"Xildh.. Amina.

    "Sida aan ka warqabno baaritaankii kiiska Ikraan Tahliil ee aan geeynay maxkamadda wuu dhaqaaqi la'yahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sida aan ka warqabno baaritaankii kiiska Ikraan Tahliil ee aan geeynay maxkamadda wuu dhaqaaqi la'yahay"

Muqdisho (HWN)  Sida Barteeda Facbook Ku Shaacisay Xildhibaan Amina Mohamed Abdi Oo ka Mid Ah Xildhibaanada Golaba Shacabka ee Waqtigoodi Dhamaaday,  Waxay Kaga Hadashay Baarista Kiiska Dilkii Ikraah Tahliil.

 

Xildhibaan Amina Ayaa Madaxtooyada Iyo Talihii Hore Ee NISA Ku Eedaysay Inay Hor istaageen In Baaris Kiiskaasi ay ku Sameeyaan Maxkamadaha Ku Shaqada lahaa.

 

Kulan Aay La qaateen RW Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Rooble ayay Ku Sheegtay Inuu u Balan Qaaday inuu ka Shaqeeyo sidii Caddaalada loo horkiini Lahaa Ciddi Ka Danbeysay Falkaasi.

 

Qoraalka Xildhibaanka ayaa U Dhignaa  "Sida aan ka warqabno baaritaankii kiiska Ikraan Tahliil ee aan geeynay maxkamadda wuu dhaqaaqi la’yahay sababo la xidhiidha  dadka kiiska lagu tuhmayay oo awoodda doowladda isku qarinayo.  

 

Maxkamadda iyo xeer ilaalinta waxa ay noo cadeeyeen in kiiska iyo halkii laga abaari lahaaba ay ishor taagtay madaxtooyada iyo hogaanka ay u aqoonsan yihiin taliska NISA. Sidoo kale waxa ay isku dayayaan in caddeeymihii kiiska oo idil la baab’iyo oo ay ugu horeeyaan Kaamirooyinkii in la tirtiro.

 

Reysalwasaaraha oo aan maanta ugu tagnay inaan kala hadalno Kiiska Ikraan, wuxuu noo ballan qaaday in kiiska Ikraan uusan marnaba gorgortan ka galeyn ilaa caddaalad loo helo.

 

Aniga iyo qooyskaba waxaa naga go’aan inaan caddaalad u helno Ikraan. Shir jaraa’id oo aan dhawaan qabtay ayaan kaga hadlay dhibaatada iyo ishortaagga kiiskaan"


Loading...
Loading...