Golaha Guurtida oo ka Biyo-diiday Dood ay SONSAF Qabatay Iyo Sababta

0
Saturday October 09, 2021 - 20:07:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida oo ka Biyo-diiday Dood ay SONSAF Qabatay Iyo Sababta

    "Golaha guurtida Somaliland oo muddo xilleedkoodu uu ku eeg yahay sannadka 2023"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Golaha guurtida Somaliland oo muddo xilleedkoodu uu ku eeg yahay sannadka 2023"

Hargeysa (HWN) Xildhinaanada ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka biyo diiday dood ay magaalada Hargeysa ku qabteen dalada ay ku midaysan yihiin urada aan dawliga ahayn ee SONSAF, taas oo nuxurkeedu ahaa qaabka loo mari doono doorashada golaha guurtida Somaliland.



Xidhibaanadaas oo kala ahaa Cabdicasiis Gaaxnuug, Maxamuud Xareed iyo Cabdiraxmaan Shaadh ayaa dalada SONSAF ku eedeeyay inay galeen arrimo siyaasadeed.


Golaha guurtida Somaliland oo muddo xilleedkoodu uu ku eeg yahay sannadka 2023 ayay mudooyinkii u dambeeyay doodi ka taagnayd sida loo buuxinaayo xubinta golahas ka baxda iyo hannaankii loo mari lahaa doorashadooda.


Golaha Guurtida Somaliland ee hada jira ayaa waxa ku jira xidhibaano badan oon buuxinayn qaar kamid ah shuruudaha lagu doorto qofka noqonaya Guurti, taasi oo ay shuruudaha kamid yihiin in qofkaasi aanu ka yaraan da’ahaan 45 jir, halka imika xubno badan oo dhaxal ku soo galay golaha ay ka yariyiin da’da afartan jirka.

Loading...
Loading...