Somaliya Iyo Bangiga Adduunka Oo Ka Wadahadlay Kordhita Dhaqalaha Somaliya

0
Saturday October 09, 2021 - 11:15:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya Iyo Bangiga Adduunka Oo Ka Wadahadlay Kordhita Dhaqalaha Somaliya

    "Maanta waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maanta waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka"

Muqdisho (HWN) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah oo ku saabsan horumarinta arrimaha Maaliyadda.

 

Wasiirka waxaa uu kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem.

 

"Maanta waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka oo uu ugu sareeyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo shaqaalaha la shaqeeya”ayuu yiri Wasiir Beyle.

 

Waxa sheegay Wasiirka in kulankaasi si weyn looga hadlay dib u habeynta arrimaha maaliyadda Soomaaliya iyo saameynta dhaqaalle ee ka dhalatay cudurka Karoonaha.

 

"Waxa aan diiradda saarnay dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Masiibooyinka dabiiciga ah ee goboladeena qaar ka dhaca”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda”

 

Wasaarada Maaliya Soomaaliya ayaa Didaal ugu Jirta Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyadoona intii dowlada Madaxweyne Farmaajo Jirtay Ku Hogaamisay Guula waaweyn Arinka Dayn Cafinta Soomaaliya.


Loading...
Loading...