Dadkii Laascaanood Laga Soo Raafay Oo Diyaarado Lagu Soo Daabulaayo.

0
Saturday October 09, 2021 - 11:12:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii Laascaanood Laga Soo Raafay Oo Diyaarado Lagu Soo Daabulaayo.

    "Waxa ay sidoo kale la kulmeen guddiga heer dowlad goboleed ee Puntland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa ay sidoo kale la kulmeen guddiga heer dowlad goboleed ee Puntland"

Muqdisho (HWN) Madaxda Maamulka Koofur Galbeed oo siweyn uga Xumaatay Talaabada Soomaaliland kusoo Raaftay Dad Kasoo jeeda  RRA, Ayaa Sheegay inay Qaadayaan Tilaabooyin wax lagaga Qabanaayo Dadkaasi oo U badan Caruur Iyo Haween.



Guddiga gurmadka Koonfur Galbeed  u xilsaartey  dhibaatadii loo geystey dadkii laga soo barakiciyey Magaalada Laascaanood ayaa xalay kulan la qaatey Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Galkacyo iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland.

 

Waxa ay sidoo kale la kulmeen guddiga heer dowlad goboleed ee Puntland ee u xil saran caawinta dadkaasi.

 

Guddiga ka socdey Koonfur Galbeed ayaa Warbixin guud ka dhageystey madaxdii ay kulanka la qaateen, iyagoo dhankooda uga warbixiyey ujeedada safarkooda iyo muhiimada ay leedahay in labada maamul ay si wadajir ah uga shaqeeyaan samatabixinta dadkan lasoo barakiciyey.

 

Guddiga ayaa qorsheynaya in berri ay booqdaan goobaha dadkan ay sida kumeel gaarka ah ay ugu nool yihiin, iyadoo ay jiri doonaan duulimaadyo toos ah oo dadka doonaya in ay laabtaan lagu keeni doono deegaanada Koonfur Galbeed.

 

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in dadka aan awoodin in gawaarida ay soo raacaan in lagu soo qaadi doono diyaarado.

Loading...
Loading...