Dawga Sheekh Oo Xidhmay Iyo Sababta

0
Saturday October 09, 2021 - 10:30:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawga Sheekh Oo Xidhmay Iyo Sababta

    "Waxay taasi xanibaad ku noqotay baaburta ukala gooshta wadanka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay taasi xanibaad ku noqotay baaburta ukala gooshta wadanka"

Hargaysa (HWN) Waxaa xidhmay dowga Sheekh ee Gobolka Saaxil mudo saacado ah kadib markii ay roobab xoogani ka da'een degmada Sheekh maalmihii ugu danbeeyey , shalay waxaa ka da'ay roob xoogan oo mudo afar saac ah da'ayey , waxa uu sababay inuu waxyeeleeyo qaar kamid ah buuraha ku gadaaman dhabaha waddada sheekh ee isku xidha Gobolada Berbera Iyo gobolada berri ee dalka taasi oo dariiq xidheen dhagxaan waawayn oo ka soo dhacay figta sare ee buurta .

 

Waxay taasi xanibaad ku noqotay baaburta ukala gooshta wadanka gaar haana kuwa rakaabka iyo badeecadaha sida oo taagan labada dhinaca ee dowga saacadihii la soo dhaafay gaar ahaana 3dii galabnimo ilaa 7fiidnimo ee caawa .

 

Balse waxaa soo gurmaday oo furay dariiqa kadibna ka xaadhay guud ahaanba dhadhaabtii xidhay jidka dowga sheekh Dawlada hoose ee Degmada oo hormuud utahay duqa degmada Sheekh Ismaaciil Xuseen xabeeb .

 

Hada dariiq waa furmay gaadiidkuna si fiican ayuu uga gudbayaa kadib markii ay gaadiidka cagafta dowlad hoose ay riixday dhamaan dhagaxaantii buurta kasoo dumay .



Mukhtar A.Maxamud

Loading...
Loading...