XAMAAMKA. W/Q: Dr.ibraahin dhuxul.

0
Saturday October 09, 2021 - 09:47:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAMAAMKA. W/Q: Dr.ibraahin dhuxul.

    "Xamaamku waxa ay ku jiraan shimbiraha caanaha ku quudiya ilmahoodu"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xamaamku waxa ay ku jiraan shimbiraha caanaha ku quudiya ilmahoodu"

Xamaamku waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan bahweynta ballaadhan ee qoolleyda (Aves). Sidoo kale waxay ku jiraan qoyska hoose ee shimbiraha dabjoogta ah ee (Columbidae), kuwaas oo ay ku midaysan yihiin Xamaamka iyo Qoolleydu. Bahda Cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Columbidae). Xamaamka meeshii ugu horaysay ee laga helay waxa ay ahayd wadanka jabaan, balse iminka waxaa laga helaa dhammaan qaaradaha kala duwan ee adduunka, marka laga reebo dhulweynaha atlaantiga ee qabawga ah, Adduunka waxaa ku nool ku dhawaad 250 nooc oo xamaam ah, kuwaas oo ku kala duwan dhanka xajmiga iyo midabka. Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Pigeon), Carabidana (حمامة). Afka Soomaaligana waxaa looyiqaannaa Xamaam oo ah magac asal ahaan carabi ah.

 

Cimriga xamaamku waxa uu gaadhaa in ka badan 15 sanno, inkastoo qaarkood ay ka yaraan karaan, dhererkooduna 25 ilaa 35 senti mitir, halka uu culayskooduna gaadho 1.2 kiiloo ilaa 900 garaam. Xamaamka dheddig iyo ka lab markay isu tagaan muddo 8 ilaa 12 cisho kadib, ta dheddig waxa ay dhashaa 2 beed, kuwaas oo ku dillaaca 17 ilaa 18 maalmood, kuna qaangaadha todoba billood. Xamaamka ka lab waxa uu ta dheddig kusoo jiitaa cod, sidoo kale xamaamka dheddig ayaa markasta ka xajmi weyn ka lab. Xamaamku waxa uu leeyahay 80 hiddo-side, Waxaana uu quutaa midhaha iyo caleemaha dhirta (Herbivore), gaar ahaan maalintii oo habeenkii waxba ma quutaan, inkastoo xamaamku aanay ahayn shimbir hilib cun ah, haddana marmarka qaarkood waxa la diwaan geliyay inay cunaan hilibka noolayaasha dhintay ama ku jiraan shimbiraha cuna bakhtiga (scavengers), iyo shimbiraha leh dhiigga diirran, kuwaas oo Saacadii jari kara masaafo dhan 60 mayl.



Xamaamku waxa ay ku jiraan shimbiraha caanaha ku quudiya ilmahoodu markay yaryar yihiin kuwaas oo afka ugu shuba, waxaana caanahaa soo daaya qanjidh jidhkooda kamid ah, sidoo kale waxaa loo qaybiyaa guud ahaan xamaamka laba nooc, qaar duurjoog ah iyo qaar dab joog ah oo dadka la noolaa muddo aad u dheer, waxayna leeyihiin midabo rasiin ah oo isu dhaw. Xamaamku kama mid aha shimbiraha u kala goosha qaaradaha kala duwan ama xuduudaha aadka ukala fogfog (migratory birds). Xamaamka adduunka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 400 oo milyan, sidoo kale shimbirta xamaamtu halis caafimaad kuma hayso bulshooyinka adduunka kunool ama se kuma jirto shimbiraha dadka u gudbiya xanuunada halista ah. Ugu danbayntii cunida hilibka xamaamka culimada islaamku waxay isku raacsan yihiin inuu yahay xalaal.


Mayeedhaan Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...