Ta Arrimood Ee Loo Raafay Reer Kg Iyo Natiijooyin Kala Duwan Oo Ka Soo Baxay!

0
Saturday October 09, 2021 - 09:33:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ta Arrimood Ee Loo Raafay Reer Kg Iyo Natiijooyin Kala Duwan Oo Ka Soo Baxay!

    W/Q. Axmed-Assad Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q. Axmed-Assad Awaare Ujeedooyinkii laga lahaa Qafaalkii loo geystay reer Koonfureedkii laga taxaabay L/Caanood waxay kala yihiin:

 
1) in doorashadii Aqalka Sare ee Somaliland oo si hufan u dhacay, rag iyo hablo culisina ka soo baxeen, looga fal-celinayay si ay dhirbaaxo ugu noqoto!



2) in dadka degga Sool, Sanaag iyo Koonfurta Togdheer (Cayn) oo midnimada Soomaaliya laga fujin waayay, iyo reer Koonfureedka xasarad, is-nacayb iyo fidno laga dhex abuurro.


3) in gudigii reer L/Caanood ee loo xil saaray baadhitaanka 84 qof oo lagu dilay magaalada, maamulka Somaliland-na aanu cidna u soo qaban, lagu carqaladaynayay baadhitaankooda, iyadoo ummada loo tusayo in reer Koonfureedku ay hawshaa iyagu fuliyeen.


4) in colaad, godob iyo is-nacayb qoto-dheer laga dhex abuurro dhalin-yarada reer Koonfurka iyo kuwa reer Waqooyiga oo beryahan dambe aad isugu soo dhawaanayay iskuna dhex milmayay!


Haddaba, ujeedooyinkii laga lahaa midda ugu horeysay ee ahayd in xaalad la abuurro, si aan loo buun-buunin oo aan warbaahinta Soomaalida & caalamkuba ugu mashquulin faan-faaninta doorashadii Aqalka Sare ee Somaliland, waa lagu guuleystay. 


Haseyeeshee, qodobkii 2aad ee ahaa in laysku fidneeyo reer L/Caanood iyo reer KG si weyn baa loogu khasaaray. Waxaa markiiba si dhakhso ah oo aan gabasho lahayn u Cambaareeyay 3da Sheekh ee Laascaanood ugu caansan (Sh. C/Nasir, Sh. Xalike, Sh. Aadan Weli) iyo dhammaan indheer-garadkii, madax-dhaqameedkii iyo qurbjoogtii oon u kala hadhin. Arrinkaasi wuxuu filanwaah ku noqday xukuumadda Kulmiye oo qofkii sidaasoo kale u Cambaareeya u taxaabta jeelka Mandheera. Halkaa waxaa ka soo baxay maxsuul lidi ku ah kii loogu talo galay oo waji-gabax ku riday hogaanka Somaliland. Waxaana isku saf noqday Soomaali Maxamed oo dhan (marka laga reebo taageerayaasha Muuse Biixi) oo si weyn uga dhiidhiyay falkaa cuqubada iyo jarriimada ahaa ee lagula kacay dad Soomaaliyeed oon wax dhib ah geysan!


Waxaanse weli la ogeyn najiitada ka dhalan doonta qodobka 3aad  ee ahaa in  gudigii baadhitaanka 84 ruux dabba socotay meel kale loogu far fiiqay, kuwaasoo aan fursad u heli doonin in dadkii xukuumadu u saariyay ay kahor raaftay intaanay waraysi la yeelanin!


Halka qodobka 4aad oo ay ka soo baxayaan natiijooyin horu-dhac ahi ay muujinayaan in ay kala fogaadeen taageerayaasha Muuse Biixi oo qudha iyo Soomaali-Nebi intoodii kale!


Isku soo duuduuboo, waxaa halkaa laga dhaxlay waxoogaa guulo ah oo lagu ladhay cuqubooyin & weji-gabaxyo isku dhafan!


W/Q. Axmed-Assad Awaare
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...