Garaaca Wadnaha iyo Caafimaadka Qofka.

0
Saturday October 09, 2021 - 09:08:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaaca Wadnaha iyo Caafimaadka Qofka.

    Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Garaaca wadnuhu waa cabbiraada heerka garaac ee wadnaha ama inta jeer ee uu garaaco halkii daqiiqo. Waana astaan muhiima oo looga qiyaas qaato caafimaadka qofka. Badana markaad dhakhtar u tagto waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagaa eegayo waxaa ugu horreeya garaaca wadnaha. Sidaadabana, haddaad doonayso inaad si iskaaya u cabbirato waxaa laga cabbiraa inta u dhaxaysa suulka iyo murdisada oo aad ka dareemayso garaaca wadnahaaga.

 

 Saynsiyanada caafimaadku waxay isla waafaqsanyihiin in wadnuhu halkii daqiiqaba garaaci karo 60 ilaa 100 jeer, dadka da’doodu tahay 6 iyo 15 jir. Halka dadka da’doodu ka weyn tahay 15jir uu garaaco 70 jeer halkii daqiiqo. waa sida caadiga ah. Haddii uu labadaas miqyaas ka hooseeyo ama ka sarreeyo waxaa jira xanuun.

 

Hadaba waxaa jira xaalado keena in garaaca wadnahu sarreeyo waxaana ka mid ah;

 

1.       Marka aad cabto kafeega ama aad qiijiso sigaarka.

 

2.       Markasta oo aad naxsanthay, baqanayso, werwersantahay ama aad maaxduunsantahay.

 

3.       Marka cimiladu kulushay amahuur badan jiro.

 

4.       Marka ay jirto baruur badani.

 

5.       Marka aad istcimaasho daawada cabudh bi’iyayaasha.

 

6.       Cabbitaanka khamrada iyo alkoosha.

 

Ugu danbayntii garaaca wadnuhu waa astaan ugu weyn ee wax ka sheegi karta caafimaadkaaga guud.

 

[email protected].

Hargeisa, Somaliland.

Degmada Maxamed Mooge.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...