Abwaan Daaha Gaas Oo U Jawaabay Culimda Hargeyasa Oo Ka Hadlay Bandhig Faneedkii Fanaanada Kiin Jaama

0
Saturday October 09, 2021 - 08:28:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Daaha Gaas Oo U Jawaabay Culimda Hargeyasa Oo Ka Hadlay Bandhig Faneedkii Fanaanada Kiin Jaama

    "Sheekh Iimaam mu'adin wadaad oo dhanba waxay hoostagaa wasaarada diinta iyo awqaafta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sheekh Iimaam mu'adin wadaad oo dhanba waxay hoostagaa wasaarada diinta iyo awqaafta"
 Hargaysa (HWN) Abwaan Daaha Gaas oo ka hadlay bandhig faneedkii ay Hargaysa ku qabatay Fanaanada Kiin Jaamac ayaa sheegay in dagaal lagu hayo Fanka iyo suugaanta  "Duulaanada dagaalada iyo dirirta noocyada badan ee soomaliland lagu soo qaaday waxa ka mida dabinada qarsoon ee shaadh diimeedka loogu soo xidhay qarankan jamahuuriyada somaliland tusaale dirirta joogtada ah ee lagu hayo suugaanta iyo murtida lagu wacyigaliyo ama lagu jiheeyo bulshada,hadaba waxa is waydiin leh dunida islaamka iyo gaalaba dal aan lahayn fan”

 

Abwaanka ayaa intaasi ku daray "Wasaaradaha diinta iyo warfaafinta iyo wacyigalintu sida distoorka iyo xeerarku qorayaan waxa ay leeyihiin shaqooyin kala duwan oo mid kastaa u madax banaantahay abwaan fanaan wariye waxa ay hoostagaan wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta. Sheekh Iimaam mu'adin wadaad oo dhanba waxay hoostagaa  wasaarada diinta iyo awqaafta”



Sidoo kale waxa uu abwaanku umahadceliyay Wasaarada warfaafinta Somaliland "Sida wada ognahay waxa xalay badbaadisay wasaarada warfaafintu sinaantii iyo cadaaladii jamhuuriyadii somaliland aadna waxa aan uga mahad celinayaa agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta oo fahmay dabinka loogu tala galay qaranka oo fashilmay, Waxaan leeyahay diinta dhaqanka anshaxa ilaalintooda xil baa nagasaaran heesaha iyo fankuna waxay ku jiraan distoorka qaranka, Culimadu shaqadeeda ha qabsato oo haynaga waaniso waxa xun somaliland ilaahay baa wata wax badan baa iminka lasoo fahamayaa" ayuu yidhi Abwaan Daaha Gaas.

Loading...
Loading...