Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay War Cusub Oo Kenya Ka Soo Saartay Dacwada Badda

0
Friday October 08, 2021 - 19:53:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay War Cusub Oo Kenya Ka Soo Saartay Dacwada Badda

    "Adduunka oo dhami waxa uu ku qasban yahay in uu ixtiraamo go'aanka Maxkamadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Adduunka oo dhami waxa uu ku qasban yahay in uu ixtiraamo go'aanka Maxkamadda"

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuled Dafac oo kamid ah garyaqaanada Somaliland ayaa ka hadlay kiiska ka dhaxeeya Somaliya iyo Kenya ee ku saabsan dacwada Bada ee ay Kenya Sheegtay in aanay ogolaandoonin go’aanka maxkamadu soo saarto.



Waxaanu garyaqaanku sheegay in aanu qiil sharci haysan diidmada ay sheegtay in Kenya aanay u hogaansami doonin go’aanka ay soo saarto maxkamadu  "Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu (ICJ) waxa ay bixisaa aragti sharci (advisory opinion) marka cid awood u lihi ay ka dalbato. Aragtida sharci qasab maaha in la raaco. Sidoo kale Maxkamaddu waxa ay dhegaysataa dacwad lagu muransan yahay (contentious case). Xukunka dacwadda lagu muransan yahay waa qasab in la raaco (legally binding). Dhinaca laga gar helo ma diido karo sharci ahaan.


Hadaba, Kenya waxa ay sheegtay in aanay aqballi doonin xukunka Maxkamaddu ka soo saari doonto 12 October dacwadda ka dhaxaysa Kenya iyo Somalia. Diidmadaasi wax raad sharci ah ma leh.


Adduunka oo dhami waxa uu ku qasban yahay in uu ixtiraamo go’aanka Maxkamadda”.ayuu yidhi Garyaqaan Guled Dafac .

Loading...
Loading...