Xisbiga Waddani Oo Ka Dayriyay Xaalada Dadka Kujira Jeelka Dhimirka Berbera

0
Friday October 08, 2021 - 17:23:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Dayriyay Xaalada Dadka Kujira Jeelka Dhimirka Berbera

    Jeelka dhimirka Berbera uma qalmo qof nool !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeelka dhimirka Berbera uma qalmo qof nool !

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arimaha Bulshadda Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq ayaa ka dayriyay xaalada nololeed ee dadka ku jira jeelka dhimirka Berbera oo uu ku sheegay meel aan ku haboonayn in dad lagu hayo.

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in Jeelkaasi uu yahay jeel aad ukulul oo aan lahayn qalab qaboojiyayaasha, kulaylkaasina uu sababo cuduro ku dhaca maqaark, xoghayaha ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

 

Jeelka dhimirka Berbera uma qalmo qof nool !

Cusbitaalka dhimirka Berbera waa Xabsi dhisme ahaan, waxa dhisay Gumaystii Ingiriiska waana halka uu ka yimi magaca Jeel Majnuunka Berbera. wuxuu ka kooban yahay qollaal 4 sariirood yaalaan midkiiba ilaa 42 sariirood ayaa yaal iyo 3 hool oo laba la isticmaalo, sariirta bukaanada qaar waxa ugu xidhan silsilad waa  cidhiidhi, nadaafad ahaan aad ayuu u liitaa waxa mararka qaar bukaanka dhimirku ku dhaca xanuunada maqaarka, Jeelka (Cusbitaal) waa dhisme dhagax ah, nal male, marawaxad iyo qaboojiye midna malaha waqtiyada Xagaaga waa lagu kafad dhacaa, qollaalku waa qabri qof nool lagu riday.

Waxa jooga dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal dhallinyara oo ku jira halgan naf-hurle oo dadaalayaa itaalkooda, waxa ka maqan kaalintii maamulka Degmada, guddida caafimaadka Gobolka iyo Wasaaradda Caafimaadka oo dhammaan dayacay Jeel-majnuunka Berbera ee hadda ah Cusbitaalka dhimirka, waxa ka jira khilaafaad waaweyn oo salka ku haya dhaqaale iyo adduun kala hororsi ka imanaya guddida Caafimaadka Gobolka, waxaana waajib ah in masuuliyaddaa loo midoobo oo la dayac tiro dadkaa.

Dhaqaalaha laga soo xereeyay lacagta Kastamka Kalabaydh ee jaadlayashu u jaraan dadkaaei waxay maraysaa $1 Milyan waxay dhisi kartaa 5 Cusbitaal dhimir oo cusub casrina ah. dadka ku jira Jeelkaas xilliyada xagaaga waxa ka dhaca diirka, waxay la ildaran yihiin xanuunada maqaarka ee kulaylku sababo. waa ciqaab iyo cuqub lagu eegayo ummadda ku uuman Deegaankaas hoosta ka holcaaya.


Loading...
Loading...