Kenya Oo Jawaab Adag Ka Soo Saartay Go'aanka La Filayo Ee Dacwadda Badda
Kenya Ayaa
Sheegtay In Aysan Aqoonsan Doonin Go'aanka Lagu Wado Inuu Ka Soo Baxa
Maxkamadda Caaalamiga Ah Ee ICJ Ee Ku Saabsan Muranka Soohdinta Badda Ee Kala
Dhexeeya Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go'aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go'aankeeda soo saarta Talaadada oo ku beegan 12-ka October.
Kenya ayaa mar sii horreysay ee
sannadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ.
Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo
Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay.
Kamau ayaa sheegay in dacwadda badda ay
ka baxsan tahay xeyndaabka maxkamadda isagoo sidoo kalana shaki geliyay
dhexdhexaadnimada maxkmadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague.
Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo "soo billowday 1969."
"Waa muhiim in qof kasta oo Kenyan ah uu fahmo in khatarta ku soo fool leh madaxbanaanideenna dhuleed aysan ahayn mid qayaxan oo toos ah", ayuu yiri.
"Dacwadda ka dhanka ah Kenya ee
taalla maxkamadda, iyo in maxkamadda ay gacmaha la gashay dacwad ka baxsan
xeyndaabkeeda sharci, waxay marag u yihiin xeeladaha cusub ee loo akeysiinaya
caddaaladda si loo minjaxaabiyo madaxbaannaanideena", ayaa lagu yiri
qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya.
Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ.
BBC