Ibraahim Dhagawayne Oo Ka Horyimid Raafkii Xukuumada Muuse Biixi Ka Samaysay Laascaanood

0
Friday October 08, 2021 - 16:34:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ibraahim Dhagawayne Oo Ka Horyimid Raafkii Xukuumada Muuse Biixi Ka Samaysay Laascaanood

    "kii bilaa dambiga ahaa iyo kii dambiga galayba imika isku mar ayaynu saarnay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"kii bilaa dambiga ahaa iyo kii dambiga galayba imika isku mar ayaynu saarnay"

Hargaysa (HWN) Mujaahid Ibraahim Dhaga wayne oo kamid ahaa saraakiishii ururkii SNM ayaa ku tilmaamay tarxiilidii xukuumada Muuse Biixi ka samaysay Laascaanood arin lagu degdegay oo lagu talax tagay.



Waxaanu mujaahidku sheegay inay haboonayd in dadka lakaa saaro oo cidii dambi gashay maxkamad la geeyo, balse aan markeliya lawada saarin miskiinka shaqaysanaya iyo dambiilaha "Ilmaha yar ee sagaal jir ka ah  iyo qofka wayn ayaa dambi wada galay oon mar wada saaraya caqli maaha, waxayna ubaahantahay dadka inta dambiga gashay in lagala soo baxo ninka wax dilay soo qabo oo maxkamad saar, kii bilaa dambiga ahaa iyo kii dambiga galayba imika isku mar ayaynu saarnay, waxaanan u arkaa in arinkaasi laga wanaagsanyahay oo ayna ahayn tii haboonayd”.


Mujaahidka oo hadalka siiwata ayaa intaasi ku daray "Umadan Somaliyeed ee intaa sidaa looqaaday la daadiyay waxaan u arkaa in lagu talax tagay, hadaad dawlad sheeganaysana waxay ahayd inaad qabato cida dambiga leh, ilmaha naaska lagu duwayaa madambi buugalay, ilmaha iskuulka dhiganayaa ma dambibuu galay, ka miskiinka ah ee shaqaysanayaa ma dambibuu galay, waxa weeyi cida dambiga gashay in laga soo dhexqabtaa oo layidhaa waxaas iyo waxaas ayaad gasheen”   ayuu yidhi Ibraahim Dhagawayne oo maanta warbaahinta SAHANTV kula hadlay Hargaysa.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...