Guddida Dhismaha Waddada Balligubadle Oo La Soo Gaadhsiiyey Lacag Dhan $67,500

Wednesday March 06, 2019 - 21:41:36 in News by
  • Visits: 1708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Dhismaha Waddada Balligubadle Oo La Soo Gaadhsiiyey Lacag Dhan $67,500

    Guddida Dhismaha Waddada Balligubadle Oo La Soo Gaadhsiiyey Lacag Dhan $67,500

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Dhismaha Waddada Balligubadle Oo La Soo Gaadhsiiyey Lacag Dhan $67,500

Hargeysa(HWN):-Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada isku xidhaysa gobolada Hawd iyo Hargeysa ayaa la gudoonsiiyey lacag loogu tala galay dhismaha waddadaasi oo haatan dardar ku bilaabmay.

Lacagtan oo dhamayd $ 67,500 ayaa ahayd mid xubnaha ururka Gurmad ee wadanka gudihiisa iyo dibadiisu ay ugu tala galeen inay kaga qayb galaan dhismaha waddada isku xidhaysa gobolada Hawd iyo Hargeysa.

Sheekh Cabdishaaliq ayaa faah faahiyey lacagta ay ku wareejiyeen guddida dhismaha Waddada Balligubadle "Gurmad Relief waxa uu u arkay mashruuca Waddada Balligubadle ilaa Hargeysa midka ugu weyn ee uguna muhiimsan in laga wada qayb qaato sidaas darteed waxaanu kaga qayb galaynaa 67,500 oo ah mid hordhac ah oo lagaga qayb galayo caro tuulka, waanan sii wadi doonaa insha allah anaga diyaar u ah sidii aanu u dhamaystiri lahayn.”

Sheekh Mubaarig Muuse Faarax oo ka mid ah xubnaha guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada Balligubadle ayaa ka hadlay deeqdan la soo gaadhsiiyey "Waxaanu ku faraxsanahay in ururka Gurmad ay ka qayb galaan oo ay gacan muuqata oo buuxda ka gaystaan waddada Balligubadle ilaa Hargeysa iyaga oo na soo gaadhsiiyey lacag dhan $67,500 oo ay ku bilaabeen caro tuulkii waddada, waxanan ku bogaadinaynaa talaabadaas wax ku oolka ah ee ay qaadeen.”

Xildhibaan NacNac ayaa dhankiisa diray baaq ku saabsan ka qayb galka dhismaha waddada Balligubadle waxaanu yidhi "Waddadu waxay u baahan tahay inaynu ka shaqayno in badan ayey inagu rafatee, qof kastana haddii uu bisha 10$ bixin lahaa way inaga dhamaan lahayd, hadana waa inaynu ka shaqaynaa ciida hada la dhigayo waxaana loo baahan yahay 4000 oo lawdh aniguna waxaan bixiyey tobankaygii ugu horeeyey,”

Maayarka Magaalada Balligubadle Cabdi Iimaan Jaamac iyo badhasaabka gobolka Hawd Yaasiin Shide oo iyaguna ka hadlay deeqdan lacagta ah ee la soo gaadhsiiyey dhismaha waddada Balligubadle ayaa u mahad celiyey xubnaha ururka Gurmad ee lacagtanisku soo agaasimay.

Ugu dambayn maareeyaha hay’adda wadooyinka somaliland Eng. Cismaan Sheekh Cabdi ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay waddada isku xidhaysa Balligubadle iyo Hargeysa waxaanu yidhi "Waddadani waa mid qaran oo isku xidhaysa marka Itoobiya laga soo galo ilaa Hargeysa, waddooyinka isku xidhaya sida ka alay baday iyo ta salaxley waa wadooyin ay aas aaskoodu yihiin dhaqaale.

 


Loading...
Loading...