Diblomaasi Yurubiyaan Ah Oo Ka Yaabay Wasakhda Taalla Caasimadda Loo Soo Bedalay

0
Friday October 08, 2021 - 13:21:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diblomaasi Yurubiyaan Ah Oo Ka Yaabay Wasakhda Taalla Caasimadda Loo Soo Bedalay

    "Monrovia waa caasimad laga yaq-yaqsoodo, waa mid aad u wasakh badan,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Monrovia waa caasimad laga yaq-yaqsoodo, waa mid aad u wasakh badan,"

Madaxa hawlgalka Midowga Yurub ee Liberia ayaa sheegay inuu ka yaabay sida ay u taallo caasimadda Monrovia, in kastoo dhaqaalo badan lagu bixiyay in la nadiifiyo isla markaana la wanaajiyo bilicdeeda.


Laurent Delahousse oo ka hadlayay kulan uu soo qabanqaabiyay Golaha Caasimadda Monrovia, ayaa wuxuu sheegay inuu la yaabay uskagaga yaalla wadooyinka caasimad sanad ka hor markii halkaa loo bedalay.


"Monrovia waa caasimad laga yaq-yaqsoodo, waa mid aad u wasakh badan," ayuu ka sheegay kulanka lagu marti qaaday.


"Inta caasimadood ee aan ka tegay Afrika ee aan horay uga soo shaqeeyay, ma arag caasimad ka ustag badan tiina," ayuu hadalkiisa raaciyay.


Wuxuu ugu baaqay maamulka caasimadda in wax laga qabto xaaladda ay ku sugan tahay Monrovia, isla markaana lo soo bandhigo halka ay ku baxaan lacagaha deeqda ah iyo canshuurta laga qaado ganacstada.


"Caasimad nadaafadeeddu wanaagsan tahay waah anti, waxay abuurtaa shaqooyin badan, waana taa waxa ay hadda u baahan tahay Liberia," ayuu hadalkiisa raaciyay diblomaasi Delahousse.


Ergaygan aan hadalka la gabban ayaa sidoo kale tilmaamay in dhibtu aanay ahayn nashqadeynra caasimadda ee loo baahan yahay in wax badan laga qabto xaaladda faya dhowrka oo ah mid liita.


Duqa caasimadda Monrovia, Jefferson Koijee, isla markaana ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga talada haya ee CDC, ayaa sheegay in culeyska ugu badan ay kala kulmayaan maareynta khashinka, maadaama ay dad ka badan intii loogu talogalay ay ku nool yihiin caasimadda.


Wuxuu intaa raaciyay inay kaalmo dheeraad ah uga baahan yihiin deeq-bixiyayaasha uu kamidka yahay Midowga Yurub si ay u xakameeyaan dhibaatadda wasakhda caasimadda Monrovia.


Inkastoo ay deeq-bixiyayaasha dhaqaalo badan geliyeen hagaajinta bilicda Monrovia, ayaa haddana waxaa wadooyinka caasimadda iyo weliba goobaha muhiimka ah lagu arkaa khashin tuban, oo xitaa aan laga qaadin maalmaha shaqada.


Caasimadda Monrovia oo dhacda xeebta badda Atlantic ayaa waxaa ku nool dad ka badan milyan iyo bar qof, taasoo qiyaastii u dhiganta ku dhawaad 30% shacabka Liberia

 

BBC

Loading...
Loading...