waxaan kaaga baqayaa Inaa Meel Cidlo Ah Iska Fadhido

0
Friday October 08, 2021 - 08:37:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    waxaan kaaga baqayaa Inaa Meel Cidlo Ah Iska Fadhido

    Qof dhago iyo indho la' (dareen ahaan) ayaan kaaga baqayaa, kugu dhiba waxa isaga warwargalinaya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof dhago iyo indho la' (dareen ahaan) ayaan kaaga baqayaa, kugu dhiba waxa isaga warwargalinaya,



Waxa aan kaaga baqayaa, nin dhaqameed aan xifdiyin taariikhda kulankiinnii koobaad, iyo kolkii koobaad ee jacaylku idin wada helay. Aan u joojin maalinta dhalashadaada, kuuguna heesin "Dhalasho wacan", cudurdaar na ka dhigta in uu codkiisu xun yahay.

Waxa aan kaaga baqayaa, nin aanay muhiim u ahayn sida aad ugu xidhan tahay uguna fiirsatid, dhacdooyinka yar yar. Jacaylka iyo hilawga aad u hayso fariimaha habka warqadaha ah. Aan u joojin khuraafaadka aad aaminsan tahay, kuna dheela.Nin aanay dhoollacadayntaadu qalbigiisa farxad ku abuurin...

Anigu, taydii yareeday, waxan kaaga baqayaa, qof kuu arka jidh iyo aalad, caqligaaga iyo talooyinkaagana aan qaadan, oo aan kaala doodin arimaha siyaasadda, suugaanta, taariikhda iyo diinta.

Ama aan kaa dhunkan dhafoorkaaga, kolka uu waabariga baxaayo; oo aan kugu harqin laabgelin dheer, indhihiisana aan isku qaban marka uu udgoonsanayo cadarkaaga.Waxa aan kaaga baqayaa moogane, kolka asxaabtiisu ku warsadaan dhaha "carruurtayda hooyadood", oo aan shaqada guriga kula wadaagin iyo waajibaadka aqalka.. oo ugu dambeyn hilmaama sannadguuradii guurkiinna.

Waxaan kaaga baqayaa mid aan kugula cayaarin heesta aad ugu jeceshahay heesaha, indhahaaga aan u fiirsan kadibna aan dhoollacadayn, oo aan dib u celinayn timaha garbahaaga jiifa...

Qof dhago iyo indho la' (dareen ahaan) ayaan kaaga baqayaa, kugu dhiba waxa isaga warwargalinaya, naftiisana u baqa uun, oo aan kuu cataabin kuna soo tuurin madaxiisa gamcahaaga dhexdooda, si uu u hilmaamo nolosha culayskeeda iyo ceebteeda.. nin aan naftiisa ku kallifi karin in uu ubaxyo kuu soo guro; oo aan aqoon in gabbaldayuhu yahay nooca aad ugu jaceshahay ubaxa, habeenkiina aan kula bixin si uu kuula lugeeyo.. nin ka xanaaqaya in uu roobka kugula dhex rucleeyo, horayna ka gam'aya markii uu sariirta tagaba.

Mid aan ku waydiin dhacdooyinka yaryarka ah ee maalintaada buuqsan, si dhugmo lehna aan u dhagaysan. Waxa aan aad ka uga baqayaa fikradda ah, in uu kugu qayliyo qalbigiisana aanay burburin dabciyadaada dhallaanimadu. Mid u arka raalligalintaadu in ay ragganimadiisa nusqaaminayso.



Tarjumiddii: Kaafia S. Muuse

Udugga Buugaagta

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...