Dawlada Somaliya Oo Sheegtay Sababta Ay Dhaqaalihii Uga Jartay Maamul Goboleedka Galmudug.

0
Saturday May 18, 2019 - 07:23:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliya Oo Sheegtay Sababta Ay Dhaqaalihii Uga Jartay Maamul Goboleedka Galmudug.

    Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta ay dhaqaalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta ay dhaqaalaha uga jartay maamulka Galmudug oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo.


Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo BBC la hadlay ayaa sheegay in sababta ay dowladda u joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay Galmudug ay tahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan madaxda maamulkaas.



Khilaafkan ayaa sababay in madaxwayne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaaka Galmudug ay taageersanyihiin dawlada Federaalka ah


Wasiirka Warfaafinta ayaa idaacada BBC da usheegay sababta Galmudug looga jaray shaqaalaha waxaanu yidhi "Dowladdu dhaqaalaha Galmudug iyo maamullada kaleba way siin jirtay walina way siisaa, laakiin maamulka Galmudug wuu kala qeybsan yahay oo guddoomiyihii baarlamaanka iyo xildhibaannadii nus kamid ah iyo madaxweyne ku xigeenkii ay meel fadhiyaan, madaxweynihii iyo madixii dowladduna ay meel fadhiyaan, kulligoodna waxay soo wacayaan dowladdii dhexe oo ay ku leeyihiin noosoo dira dhaqaalihii, marka looma diri karo, waxayna dowladdu ka shaqeyneysay inay heshiiyaan.”


Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in waqtiga Xaaf ku eg yahay sanadkan, oo ay tahay in doorasho la qabto, halka Xaaf uu sheegay in waqtigiisa ka billowdo heshiiskii Ahlu-Sunna iyo Galmudug ee 2018 ka dhacay Jabuuti, taasi oo macnaheedu yahay in saddex sano ay u hartay.

Loading...
Loading...