F I I D M E E R T A W/Q: Dr.ibraahin Dhuxul.
Fiidmeertu waxa ay kamid tahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda
lafdhabarleyda ah (Chordata). gaar ahaan bahweynta Naasleyda (Mammalia). Bahda
cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Chiroptera). Waxay isku raacsan yihiin
taariikh yahannada baadha cimriga xayawaanku in ay fiidmeertu tahay noole
qarniyo badan jiray, taas oo dhulkii ugu horreeyay ee laga helayna ay ahayd
qaaradda Ameerika. Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Bats), luuqadda
carabidana (الخفافيش). Afka
Soomaaligana waxaa looyiqaannaa Fiidmeer ama Kibilli. Fiidmeerta cimrigeedu
waxa uu gaadhaa 16 sanno, Miisanka jidhkeeduna waxaa uu udhaxeeyaa 1.2 ilaa 1.4
kiiloogaraam. Waxa ay leedahay 38 hiddo-side. Sidkeedu waxa uu gaadhaa 42 illaa
63 maalmood, iyadoo ku qaangaadha 3 ilaa 4 todobaad.
Waxay kamid tahay xayawaannada leh dhiigga diirran, kuwaas oo wax quuta
maalintii ama se fiidka hore, badanaa waxa ay quutaan cayayaannada duula
(Insectivore). Fiidmeertu waxay leedahay ilko. Waxaana jira in ka badan 1,400
oo nooc oo fiidmeer ah, kuwaas oo ku kala nool daafaha kala duwan ee qaaradaha
dunida. balse guud ahaan waxaa loo qaybiyaa saddex nooc kuwaas oo kala ah: Qaar
cuna midhaha (Mega bats), Qaar cuna cayayaanka (Micro bats) iyo Qaar quuta
dhiigga dadka ama se xoolahaba (Vampire bats), sidoo kale waxa jira noocyo kale
oo gooni ah, kuwaas oo laga helo dhulka soomaalida laguna magacaabo (Somali
sirotine) iyo (Neuromicia somalica), sida uu cadeeyay xeel-dheere u dhashay
dalka ingiriiska oo dhulka soomaalida yimi sannadkii 1901dii.
Fiidmeertu waxay leedahay laba naas oo kuyaala laabta sare ee jidhkeeda,
badanaa fiidmeerta caalamka ugu badan waxaa laga helaa bariga Aasiya.
Fiidmeerta waxa ay hoy ka dhigtaan buuraha, kaymaha isku cufan ama dhismayaasha
gaboobay ama laga guuray. Indhaheedu waa daciif oo waxa ay wax ku dareentaa
jabaqda, waxay u nooshahay si koox koox ah. Waxa ay seexataa iyadoo hoos u
foorarta ama se lugaheeda meel sare Kusoo qabsatay ama kasoo laad laada (upside
down). Fiidmeerta waxa ku dhaca cuduro badan kuwaas oo ay qaar kamid ahi u
gudbaan dadka iyo duunyadda kalaba. xanuunnada halista badan ee ibna aadamka,
ku sababay dhimashada badan ee laga helay Fiidmeerta waxaa ka mid ah: Fayraska
ebola, Fayraska marbung, Fayraska Sars, Fayraska mers iyo Fayraska Covid 19, oo
ilaa iminka dunida ka sahayday in ka badan 2 milyan oo qof.
Ugu danbayntii fiidmeertu waxay sida inba aadamka oo kale heshaa dhiigga
billaha ah, siday ay sheegtay diinta islaamku, isla markaana uu cadeeyay cilmi
baadhe ku takhasusay habka taranka ee fiidmeerta, kaas oo wax ka dhiga
jaamacadda (Newyork). Labadan qaybood ee fiidmeerta ka midka ah, kuwaas oo hela
dhiigga billaha ah, waxa ay kala yihiin nooca leh dibka (Tail bats) iyo nooca
uu sankoodu u samaysan yahay sida caleenta oo kale (leaf-nosed bats). Waxa jira
ururo badan oo udooda xuquuqda fiidmeerta kuwaas oo xarumo kala duwan ku leh
daafaha dunida. waxaana ugu weyn ururka caalamigaa ee la lagu magacaabo ururka
caalamiga ah ee ilaalinta fiidmeerta (Bats conservation international), Ururkan
waxaa la asaasay sannadkii 1982kii wuxuuna kuyaalaa dalka Mareekanka, gaar
ahaan gobolka tagsis. Kaas oo ay xubno ka yihiin dalal ka badan 58 dal. sidoo
kale waxaa jirta maalin caalami ah oo aduunka laga xuso maalinta Fiidmeerta
taas oo ah 17 bisha afraad ee sannad kasta, taas oo looga dabaal dego meel
badan oo caalamka ka mid ah.
Mayeedhaan Magazine.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!