Gabadha Caqliga Leh, Waa Tee ?.

0
Wednesday October 06, 2021 - 08:38:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadha Caqliga Leh, Waa Tee ?.

    Gabadha Caqliga Leh Waxey Farxad U Taqaan Farxada Ninkeeda, Waxey Murugo U Taqaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadha Caqliga Leh Waxey Farxad U Taqaan Farxada Ninkeeda, Waxey Murugo U Taqaan



1- Gabadha Caqliga Leh Waxey Taqaanaa Sida Ay U Dejin Laheyd Xaajigeeda Markuu Xanaqsan Yahay, Iyadoo La Kaashaneysa Erayada Macaan Iyo Aragtida Soo Jiidashada Leh.

2- Gabadha Caqliga Leh Waxey Had Iyo Jeer Ku Dadaashaa Siduu U Taagnaan Lahaa Xiriirka Kala Dhaxeeyo Lamaanaheeda Nolasha.

3- Gabadhaas Caqliga Leh Wuxuu Eebbe Hibo Ahaan U Siiyaa Fariidnimo, Waxeyna Maankeeda La Kaashata Qancinta Ninkeeda.

4- Gabadha Caqliga Leh Waxey Wax Kasta Ka Hor Marisaa Odaygeda, Waxey Ilaalisa Dhegihiisa Waxey Maqlayaan, Indhihiisa Waxey Arkayaan Iyo Waliba Qalbigiisa.

5- Gabadha Caqliga Leh Waxey Farxad U Taqaan Farxada Ninkeeda, Waxey Murugo U Taqaan Murugta Ninkeeda, Qalbigiisa Ayaana Ah Qalbigeeda Dhabta Ah.

6- Gabadha Caqliga Leh Kama Fakarto Ninkeeda Xoolahiisa, Balse Waxey Muhiimada Siisaa Had Iyo Jeera Waxa Uu Isaga Tebaayo, Weyna Garab Istaagtaa Xaalad Kasta Uu Ku Sugan Yahay.

7- Gabadha Caqliga Leh Ma Aha Mid Gurigeeda Laga Dhici Karo, Sida Dumarka Qaar, Iskadaa Inuu Ninkeeda Naag Kale La Guursadee, Xataa Qalbigiisa Kuma Soo Dhacdo Naag Kale Shukaanso.

8- Gabadha Caqliga Leh Iyada Ayaa U Ah Ninkeeda Wax Kasta, Sidey U Koolkoolineyso Darteed.

9- Gabadha Caqliga Leh Waa Gabadha Ay Kaga Daydaan Gabdhaha Kale Dhaqanka Fariidnimada Ah, Iyo Hab Maamuuska Reerka Lagu Dhaqdo.

10- Gabadha Caqliga Leh Dan Iyo Xaajo Midna Kama Laha Ninka Quruxdiisa, Keliya Waxey Ahmiyad Gaar Ah Siisaa Dhaqashada Reerkeeda Iyo Korinta Ubadkeeda.



Ali Adan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...