WADDANI Oo Shaaciyey In Lagu Tartamayo Dhammaan Xilalka Hoggaamineed Ee Xisbiga

0
Wednesday October 06, 2021 - 08:12:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WADDANI Oo Shaaciyey In Lagu Tartamayo Dhammaan Xilalka Hoggaamineed Ee Xisbiga

    "Waxaanu gaadhsiinaynaa Ciddii diyaar u ah inay isku sharraxdo Hoggaanka Xisbiga WADDANI"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu gaadhsiinaynaa Ciddii diyaar u ah inay isku sharraxdo Hoggaanka Xisbiga WADDANI"

Hargeysa (HWN) Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha labaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku dhawaaqay in lagu tartamayo dhammaan Xilalka Hoggaamineed ee Xisbigaasi.

 

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga WADDANI Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay cid kasta u furan tahay inay u tartanto Xilalka kala ah Guddoomiyaha, Guddoomiye ku-xigeennada, Xoghayaha guud iyo Xoghaye ku-xigeenka Xisbigaasi.

 

Ismaaciil-yare oo arrimahaa faahfaahinayaana wuxuu yidhi  "Waxaanu gaadhsiinaynaa Ciddii diyaar u ah inay isku sharraxdo Hoggaanka Xisbiga WADDANI, sida Guddoomiyaha, Guddoomiye ku-xigeennada Koowaad, labaad, Saddexaad, afraad, shanaad, Xoghayaha Guud iyo Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga, muddada aanu u qabanay inay Araajidooda soo xereeyaan bishan lixdeeda oo ay u soo gudbiyaan Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha labaad ee xisbiga WADDANI, waxayna Araajida qabashoodu xidhmaysaa 14 Maalmood ka hor Maalinta la qabanayo Shirweynaha sida uu xeerka Xisbiga WADDANI dhigayo.”

 

 

 

Geeska.net/Hargeisa Office


Loading...
Loading...