Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madax Dhaqameedka Iyo Waxgaradka Gobolka Awdal+Sawiro
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madax Dhaqameedka Iyo Waxgaradka Gobolka Awdal
Boorama(HWN)-Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa Munaasibad Casho Sharaf ah Ku maamuusay Madaxdhaqameedka Waxagaradka,Aqoonyahanka,
odoyaasha, iyo Guud ahaanba ururada Bulshada Rayidka ah ee Gobolka Awdal.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
Munaasibadan Casho Sharafta ah oo siheer sare ah loo agaasimay islamarkaana, lagu Qabtey Huteelka Rays ee Magaalada Boorame, ayaa ujeedada Nuxurkeedu Daarnaa Gogolxaadhka Xuska Maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka May oo lagu Wado in Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal siwyn oo Dhoolatus ah looga Xusi lahaa Taas oo Sanad Kasta si Xoogan Looga Xuso Magaalada Boorame iyo Guud ahaanba Degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka Awdal.
Madaxdhaqameedka, Salaadiinta Gobolka Waxgaradka, Aqoonyahanka, iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada Gobolka Awdal oo Madashan hadalo ka jeediyay ayaa dhamaantood ka hadley Muhiimada ay Dalka Somaliland u leedahay Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May iyo Kaalinta ay Somaliland iyo Dhismaheeda ku leeyihiin Shacabka Reer Awdal taas oo aaney Jiritaanka adkeynta iyo qaranimada Somaliland cidna Marti uga aheyn.
![]() |
![]() |
Waxaana kamid ahaa Salaadiinta Madashaasi la hadley Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Xasan Xadi Baadde, iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Samater iyo Waliba Xubno kamid ah Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Gobolka, Waxaaney dhamaantood uga mahad Celiyeen Madaxweyne Kuxigeenka Casho Sharaftaasi iyo kulanka uu ku maamuusey.
Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), oo halkaa hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay Guud ahaanba kasoo Qeybgalayaashii Casho Sharafta uu u Sameeyay Madaxda dhaqanka iyo Waxgaradka aqoonyahanka iyo Qeybaha Bulshada Awdal sida ay usoo ajiibeen ugana soo Qeyb galeen isagoo Xusey in aanay Dadka Reer Awdal Qaranimada Somaliland Cidna Wax kulid ah ka dhageysaneyn.
![]() |
![]() |
Loading...
Loading...


0 












