Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Eedo Ka Soo Yeedhay Ra'iisul-Wasaaraha Soomaaliya

0
Tuesday October 05, 2021 - 19:27:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Eedo Ka Soo Yeedhay Ra'iisul-Wasaaraha Soomaaliya

    "Xukuumadda JSL waxay bayaamisay in beesha caalamku aanay aaminin dawladda Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumadda JSL waxay bayaamisay in beesha caalamku aanay aaminin dawladda Soomaaliya"

Hargeysa (HWN) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Ra’iisul-wasaaraha dawladda Soomaaliya oo ay ka soo yeedheen hadallo farogelin ku ah Somaliland.

 

War-murtiyeed ay maanta  soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu  sheegtay in Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ay ka soo yeedheen eedaymo aan sal iyo raad lahayn oo ka dhalatay tallaabadii ka fursan waaga ahayd ee Xukuumadda Somaliland ay dalkoodii dib ugu celisay  dad u dhashay Soomaaliya oo sifo sharci darro ah u deganaa degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

 

Wasaaradda Khaarajigu waxay sheegtay inay Somaliland  goob nabdoon  u ahayd soddonkii sannadood ee la soo dhaafay  dadka ka soo qaxay dalka la jaarka ah ee Soomaaliya, taasi oo ay Somaliland martigelisay iyadoo xeerinaysa xuquuqda aadamaha  iyo shuruucdeeda gaarka ah oo arrintaas damaanad qaadaya.

 

War-murtiyeedku waxa kaloo uu intaas ku daray in tallaabada dib loogu celiyey dadkaasi ay keentay duruufo la xidhiidha dhinaca ammaanka, kadib markii dadka deegaanku ay soo codsadeen, isla markaana warar xaga sirdoonka laga helay ay tibaaxeen in haliso nabadgelyo ka iman karaan dadkaas.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay xaqiijisay inay Xukuumadda Somaliland ku khasbanaatay inay qaado tallaabo, iyadoo haddana la xushmaynaysa xuquuqda aadamaha iyadoo dadkaasi la dhawrayo xuquuqdooda.

 

Warku wuxuu intaas ku daray inay Somaliland ay si dhow ugala shaqeyso dalalka jaarka ah dadka socotada ah iyo ilaalinta xuduudaha.

 

Xukuumadda Somaliland waxay iftiimisay inay Soomaaliya  qaska ka jira gudaheeda ay doonayso inay gaadhsiiso dalalka la jaarka ah, isla markaana ay ku guul-daraysatay inay ilaaliso nabadgelyada dadkeeda  oo ay ka abuurto dalkaas jawi xasiloon oo siyaasiyadeed.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay ugu baaqday  Soomaaliya inay ka waantowdo farogelinta arrimaha gudaha Somaliland, waxaanay tilmaantay inay Jamhuuriyadda Somaliland dabaqayso madax-bannaanideeda isla markaana ka hortagayso wixii halis nabadgelyo darro u soo jiidaya dalkeeda.

 

Xukuumadda JSL waxay bayaamisay in beesha caalamku aanay aaminin dawladda Soomaaliya marka laga hadlayo arrimaha Nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.

 

Ugu dambayn, waxa lagu sheegay war-murtiyeedkaas in Somaliland martigelisay tiradii ugu badnayd ee qaxoonti ka soo cararay colaadaha ka jira Mandaqada, isla markaana qaxoontigaas ay Somaliland u tahay meel ay ku badbaadeen, waxana Xukuumadda Somaliland ka go’an inay beesha caalamka iyo dalalka jaarka ah kala shaqeyso sidii adduunku u noqon lahaa mid nabadgelyo loogu noolaado.


Loading...
Loading...