Qaramada Midoobay oo Canbaaraysay Barakicinta Somaliland

0
Tuesday October 05, 2021 - 18:54:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo Canbaaraysay Barakicinta Somaliland

    Hayadaha ka shaqeeya hawlaha bani'aadamnimada ayaa sheegay in ay isku –dubbaridayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hayadaha ka shaqeeya hawlaha bani'aadamnimada ayaa sheegay in ay isku –dubbaridayaan

Hay’addaha arrimaha bini’aadantinimada ka shaqeeya ayaa cambaareeyay xadhigga iyo barakicinta dad ka badan 1,000 qof oo isugu jira haween, carruur iyo rag, kuwaas oo ay Somaliland ka barakacisay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.


Hayadaha ka shaqeeya hawlaha bani'aadamnimada ayaa sheegay in ay isku –dubbaridayaan qiimeyn deg -deg ah, si loo dejiyo tirada dadka ay dhibaatadu saameysey, baahidooda degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulka Puntland, si loogu helo hoy ku-meelgaadh ah.


"Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda. Waxaan ugu baaqeynaa hay'adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay hay’adda gargaarka iyo bina'aadanimada u qaabilsan QM.

Hayada gargaarka u qaabilsan qaramada midoobey ee loo soo gaabiyo UNOCHA ayaa ku boorisay Somaliland in ay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay helaan xal waara oo lagu xushmeynayo xuquuqda iyo sharafta dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

Dadka sida khasabka ah looga barakicinayo Laascanood, ayaa halkaas ku noolaa muddo ku dhow 20 sano. Waxayna hadda u nugul yihiin cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladdahooda bani'aadamnimo.
Loading...
Loading...