"Somaliland Wali Waxay Ka Mid Tahay Soomaaliya" Garyaqaan Mubarik Aar.

0
Tuesday October 05, 2021 - 14:17:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somaliland Wali Waxay Ka Mid Tahay Soomaaliya" Garyaqaan Mubarik Aar.

    "Arintan marka laga hadlayo sharcigeena way kasoo horjeedaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Arintan marka laga hadlayo sharcigeena way kasoo horjeedaa"

Hargeysa, - (HWN) – Prof Mubaarik Ibraahim Aar oo ka mid ah Sharciyaqaannada reer Somaliland islamarkaana ka mid ah macalimiinta arrimaha Sharciga Jaamacaddaha dalka wax ka dhiga ayaa kasoo hor jeestay talaabada Xukuumadda Somaliland kaga masdaafurisay dadkii koonfurta Soomaaliya ka soo jeeday ee deganaa Magaaladda Laascaanood, waxaana uu ku sheegay tallaabadaaasi inay ka hor imanaysa sharciga caalamka u dejisan, isagoo sidoo kalena sheegay inay Somaliland wali xisaabsan tahay inay ka tirsan Soomaaliya.

 

Prof Aar ayaa sidan ka sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay Shalay Telefishanka Caalamiga ah ee Universal Tv, waxana hadaladiisa ka mid ahaa "Dadka laga barakiciyay Laascaanood khalad weyn ayaan u arkaa anigu, sababtoo ah arintaasi waxay ka soo horjeedaa Muslinimada, Soomaalinimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyo wali shuruucda dalkeenaba way kasoo horjeeddaa, Qof meel degan oo aan is ogayn in la qabto oo carruurtiisii laga dhex kaxeeyo oo mar qudha la masdaafuriyo arintaasi arin khaldan ayaan u arkaa, qof kasta oo dibada tagay oo dalka ku soo noolaadayna arintaasi wuu dareemi karaa”.

 

Waxa kale oo uu yidhi "Arintan marka laga hadlayo sharcigeena way kasoo horjeedaa,  Qodobka- 26-Dastuurkeenu waxa uu sheegayaa qofna dambi aanu galin laguma qaadi karo, yacnihii qofka dambiga galay keligii ayaa masuul ka ah dambigaa uu galay, dadka kale uma qaadi kartid,dadkan la masdaafuriya waxa lagu tuhunsan yahay dembiyo badan oo meesha ka dhacay ayaa tuhun ka mid ahi uu galay sidaasi ayaa loo masdaafurinayaa, sida runta ah ee aanu maqlay. Dastuurkeenu waxa uu sheegayaa in marka dad Ciqaab la saarayo dambi waa inuu jiraa, dadkan ciqaab ayaa la saaray, meel ay joogeen ayaa laga masdaafuriyay, waliba si aan sax ahayn ayaa loo masdaafuriyay, Ciqaabtaas xeerkii jideeyay iyo qodobkii jideeyay ayaa loo baahan yahay, dastoorkuna arintaas waa diidayaa, dambi aanu xeer jidayn lama samayn karo”.

 

Sidoo kale waxa uu yidhi "Taas waxaa kusii dheer, Somaliland waxay go’aansatay inay madax bannaanaato, waa go’aan Somaliland iyo shacabkeedu ay qaateen, laakiinse wali caalamku muu ictiraafin, marka Shuruucda caalamka loo eego, ee xuquuq iinsaanka loo eeggo, arinta Somaliland samaysay, waxay noqonaysaa Arinta kasoo horjeedda Xuquuqul iinsaanka, maxaa arrintaasi cadaynaya? Waxaa cadaynaya Arinta,Dawladda Soomaaliya illaa hadda hal dal ayaa loo yaqaanaa, qof kasta oo dalkaasi gudahiisa ku dhex jira waxa loo yaqaanaa qof dalkiisii joogga, haddii goob ka mid ah qasab inta lagaga kaxeeyo meel kale la geeyo, xuquuqul iinsaanka way kasoo horjeedaa oo waa qof deegaankiisii qasab lagaga kaxeeyay, laakiin Somaliland waxay aaminsan tahay inay ka go’day Soomaaliya”.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi "Shuruucda Caalamiga ahi waxay ay dhigayaan inay Somaliland wali ka mid tahay Soomaaliya, dadka xayndaabkaasi wada deganinna ay Soomaali yihiin, Qof kasta oo ka mid ahina meesha uu doono uu tagi karo, markaas qodobkaasi markaad eegto arimaha Somaliland dhinac ayuu dhaawac kaga keeni karaa. Qodobkaasi wax ku raacaaya qodobka markaad eegto Soomaalinimada, dadka Koonfurta degani Meel kasta Soomaaliland way ka degan yihiin, Burco ayay ka degan yihiin, Hargeysa ayay degan yihiin, Boorama ayay degan yihiin, in shacab gaar ah targer laga dhigto oo iyaguna uun awoodda la saaraa, iyaduna arintaasi sax maaha”. Ugu dambayn waxa uu yidhi " Waxaanay sax ku noqonnayn dadka Reer Somaliland koonfurta way degan yihiin,  Muqdisho ayay degan yihiin, Baydhabo ayay degan yihiin, Kismayo ayay degan yihiin, dhib ayaaa iman karta, waxa kasta ayaa iman kara, arintaa in lagu deg deggo may ahay”. Ayuu ku soo koobay Mubaarik Ibaahim Aar.

 

 


Loading...
Loading...