Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilay Qaabka Loo Masaafuriyay Dadkii Laascaanood

0
Tuesday October 05, 2021 - 08:48:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilay Qaabka Loo Masaafuriyay Dadkii Laascaanood

    ."Qaab maaha cilmiyaysan mid sharaf dil ah ayuu ahaa habka loo maray"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

."Qaab maaha cilmiyaysan mid sharaf dil ah ayuu ahaa habka loo maray"

Iyadoo dhawaan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqaday madaxbannaanida ee Soomaaliland ay boqolaal qof oo ka so jeeda koofurta Soomaaliya ay ka musaafurisay magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool ayaa waxaa soo badanaya mas'uuliyiinta cambaareeynaya tallaabadaas kuna tilmaamaya mid laga wanaagsanaa.



Masuuliyiinta arrintaa cambaareeyay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee Soomaaliland Faysal Cali waraabe oo dhaliilay habka loo maray waxaase uu sheegay in arrintaan ay ka dambeysay kadib markii magalaada Laasacaanood ay ku soo bateen falalka amni darro oo sida uu sheegay keenay in dadka deegaanku ay dalbadaan in ay amnigooda hagaajistaan oo dadka aan u dhalana laga saaro.


"Dadkii degganaa deegaankaasi waxay yiraahdeen nabad galyadeenii khatar ayay ku jirtaa waxaan doonaynaa inaan hagaajisanno dadka ajanabiga hanalaga saaro" ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.


Wuxuu sheegay in dad la musaafuriyo aaney Soomaaliland ugu horeyn oo ay arrintaasi ka dhacdo meelo badan oo caalamka ka mid ah isaga oo tusaale u soo qaatay dalka Sacuudiga.


Habka loo maray musaafurinta dadkaan ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ayaa guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu ku tilmaamay hab aan cilmiyaysneyn isaga oo muujiyay inuu ka xunyahay, waxaase uu dhinaca kale sheegay in Soomaaliland arrintaa xaq u leedahay."Qaab maaha cilmiyaysan mid sharaf dil ah ayuu ahaa habka loo maray waan cambaareyay horeyna waan u cambaareeyay haddana waan cambaareynayaa "ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.


BBC-da ayaa waydiisay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe su'aal ku saabsaneed haddiba dadkaas magaalada laga saarayo qaabka ay ahayd in loo maro ayaa waxaa uu sheegay:"dadka in la wada ciqaabo ma ahayn waxay ahayd in dadka lagu yiraahdo sharci ma lihidiina si wanaagsna u taga".


Tallaabadaan ay Soomaaliland dadka uga saartay magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool waxaa cambaareyay dad kala duwan oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan maamullada koofur galbeed ee Soomaaliya iyo Puntland oo dadka laga soo daabulay Laasacaanood ku soo dhaweysay deegaannadeeda kuwaas oo ku tilmaamay wax aad looga xumaado sida dadkaas loola dhaqmay,hase yeeshee Faysal Cali Waraabe oo la waydiyay waxa arrintaan Soomaaliland u keeni karto ayaa sheegay in aysan waxaba u dhimi doonin maadama Soomaliland amniga deegaannadeeda ka shaqeynayso.


Hadalkaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland ayaa imaanaya iyadoo ay isa soo tarayso tirada dadka laga musaafurinayo magaalada Laascaanood, oo kuwii uggu danbeeyey ay shalay galinkii dambe gaareen deegaanka Xarfo, oo u dhaxeeya deegaanka Burtinle iyo magaalada Gaalkacyo ee Puntland.


Dhanka kale, guddiga amniga ee magaalada Laascaanood, ayaa sheegay iney ka xun yihiin dadkaas dhawaan laga tarxiiley magaalada.Guddiga ayaa intaa ku darey inaanan lagala tashan musaafurinta dadkaas, oo badankood la sheegay inay kasoo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.


Caaqil Ismaaciil Cali Axmed, oo ah guddoomiyaha guddiga amniga, ayaa carabka ku dhuftey in gobolka Sool ee magaalada Laascaanood, ay Soomaali oo dhan ku nooshahay, oo aaney jirin Soomaali Soomaali ka xigta.aaqilka ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Somaliland ay baabuurta dadka lagu daabulayey ku saartey dadkii ay musaafurisay qori caaraddiis.

 

Loading...
Loading...