Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay In Maxamuud Xaashi Lagu Wareejinayo Xisbiga

0
Tuesday October 05, 2021 - 08:32:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay In Maxamuud Xaashi Lagu Wareejinayo Xisbiga

    "wareejinta waxa ka horeysa inuu WADDANI yimaado"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"wareejinta waxa ka horeysa inuu WADDANI yimaado"

Hargeysa (HWN) Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa markii u horraysay ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey soo baxayey oo la xidhiidhay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi lagu wareejinayo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

 

Axmed Xirsi Ducaale, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga WADDANI, oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan. "Ninkaas siyaasiga ah ee aad magacowday, Maxamuud Xaashi, waa siyaasi reer Somaliland ah, illaa imika lama arag annaguna ma hayno  meel uu ku yidhi  WADDNI ayaan ku soo galay amma soo biiray.

 

Isaga oo ah Xisbiga Kulmiye noogu dambaysay, siyaasi KULMIYE ka tirsan ayuu ahaa, oo ay is qabteen hoggaanka KULMIYE is hayntoodii KULMIYE noogu war dambaysay, markaa sabab loo yidhaahdo WADDANI ayaa lagu wareejinayaa ma garanayo, wareejinta waxa ka horeysa inuu WADDANI yimaado, oo uu Xisbiga ka mid noqdo.”


Loading...
Loading...