Afar Ka Mid Ah Wadamada Geeska Afrika Oo Shaaciyey Heshiis Iskaashi Oo Ay Galeen

0
Friday May 17, 2019 - 23:40:24 in News by
  • Visits: 3297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Ka Mid Ah Wadamada Geeska Afrika Oo Shaaciyey Heshiis Iskaashi Oo Ay Galeen

    Afar Ka Mid Ah Wadamada Geeska Afrika Oo Shaaciyey Heshiis Iskaashi Oo Ay Galeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar Ka Mid Ah Wadamada Geeska Afrika Oo Shaaciyey Heshiis Iskaashi Oo Ay Galeen


Muqdisho(HWN):-Afar ka mid ah wadamada geeska Afrika ayaa gaadhay heshiis ay isku kaashanayaan.




Shir laba maalmood u socday wadamada Jabuuti, Itoobiya, Uganda iyo Koonfurta Suudaan ayaa ku heshiiyey inay dhistaan khad u gaar ah oo isku xidha caasimadahooda.


Wadamadan oo shir laba maalmood ahi uu uga socday magaalada Nairobi ayaa ka dooday qaabka loo hirgelin karo khadkan u gaarka ah oo ay dhismihiisa qaadatay shirkad fadhigeedu yahay magaalada Nairobi oo ka madax banaan dawlada Kenya, waxaana ay isla garteen in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgeliyo dhismaha khadkan u gaarka ah wadamadan ka tirsan geeska Afrika.


Wakiilo ka socday wadamada Kenya, Jabuuti, Uganda Iyo Koonfurta Suudaan ayaa heshiiskan ku saxeexay madal ay goob joog ka ahaayeen xubno ka socda urur goboleedka IGAD sida ay shaacisay wakaalada wararka Itoobiya ee Fana.


Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono qadka isku xirka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca.

Loading...
Loading...